Ciidamadda Yahuuda oo "jirdilay ku khaarijiyey wiil Falastiini ah"

Image

QUDUS, Falastiin – Ciidamadda maamulka Israa'iil ayaa jirdil waxay ku khaarijiyeen wiil yar oo Falastiini ahaa meel ku dhow magaalada Turmus-Ayya ee waqooyi barri Ramallah, sidda ay ku warantay saxaafadda maxaliga.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa tabisay in Amer Abedalrahim Snobar uu isbitaala gaarey "isagoo qoortiisa ku taala nabado badan".

Agaasmaha isbitaalka, Ahmed al-Bitawi, ayaa xaqiijiyey in Snobar uu u dhintay dhaawacyadda kasoo gaarey garaacistaan foosha xun.

"Waxaa ka muuqdey calaamado jirdil oo dhanka qoorta ah," ayuu Bitawi u sheegay saxaafadda ka howlgasha dhulka Falastiiniyiinta.

Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxdey isbitaalka uu tegay, qoorta Snobar waxaa ku taala jirdil loo adeegsaday budad iyo liifka qoryo.

Ururka Xorreynta Falastiin ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadaan, wuxuuna ku qeexeeyay ciidamadda Yahuuda in ay sameeyeen fal arxan daro ah isla markaana ay wiilka yar u beegsadeen in uu yahay muwaadin Falastiin.

Marxuum Snobar ayaa kasoo jeeday degmadda Yatma oo dhacda koonfurta magaaladda la haysto ee Nablus ee ka tirsan Daanta Galbeed.

Jirdil, dilka bareerka ah iyo xariga aan sharciga waafaqsaneyn ayaa kamid ah xadgudubyadda ay ciidamadda Yahuuda ka geystaan dhulka Falastiin. Dowladaha Islaamka qaarkoo way cambaareeyaan, qaar kalana kama hadlaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM