Coronavirus oo saf-ka-maray qoyska ugu caansan Bollywood-ka Hindiya

Image

NEW DEHLI, India – Jilaayaal caan ka ah shabakada Bollywood-ka Hindiya isla markaana hal qoys kawada tirsan ayaa laga wada helay safmareenka sidda fudud u faafa ee fayruska Corona.

Qoyskaan oo loo garan og-yahay 'qoyska koowaad ee Bollywood-ka' ayaa ah reer Bachchan, waxaana hormuud u ah Amitabh Bachchan oo Soomaalida u taqaano Cali Dheere.

Amitabh, wiilkiisa Abhishek, xaaskiisa Aishwarya Rai, iyo gabadheeda oo 8-sano jir ah ayaa muddo 24-saac gudaheeda ah waxaa la xaqiijiyey in uu soo ritay xanuunkan.

Xilli sodogeeda iyo seygeeda la dhigay Isbitaal, dhakhaatiirta ayaa sheegay in Aishwarya Rai iyo Inanteeda Aaradhya Bachchan ay baaqi kusii ahaan doonan gurigooda.

Nasiib wanaag, waxaa cudurkan dilaaga ah laga waayey Jaya, oo ah xaaska Amitabh, odayga reerka oo xaaladiisa caafimaad laga dayrinayo lana dhigay Isbitaalka.

Jaya oo dhankeeda ah atiirashad ama jilaa aflaan badan kasoo dhex-muuqatay ayaa hal jeer noqotay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka India.

Kiisaska Covid-19 ee India ee la xaqiijiyey ayaa ka badan 850-kun, iyaddoo kaliya shalay la diiwaan-geliyey 28,637; bogsashada waxay kor-u-dhaafeysaa 535-kun, iyo 22,674 dhimasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Caalamka u arkay Qorshaha Trump iyo Netanyahu ee Nabada Gaza?

Trump ayaa sheegay in qorshahani ujeeddadiisu tahay in Xamaas laga saaro Gaza isla markaana lagu beddelo dowlad kumeelgaar ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 05:54AM

Akhri: 21-ka Qodob ee Trump Soo Bandhigay si Loo Soo Afjaro Colaadda Gaza

Qorshahan ayaa waxaa taageeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu…

  • Caalamka

    29-09-2025

  • 08:02PM