Erdogan oo ku dhawaaqay qorshe ciidamo loogu dirayo Liibiya

Image

ANKARA, Liibya - Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaan militariga dowladda ay caalamku aqoonsan tahay ee Liibiya, oo ku yaalla waqooyiga Afrika.

Erdogan ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in uu horgeyn doono sharciga howlgalka baarlamaanka Turkiga bisha January ee sanadka cusub 2020.

Madaxweynaha Turkiga ayaa go’aankan shaaciyay maalin kadib markii uu la kulmay shalay dhigiisa Tunisiya, Kais Saied, intii uu ku guda jiray booqasho lama filaan ah oo uu ku tagay caasimada Tunisia.

Erdogan ayaa wariyeyaasha ugu sheegay shir-jaraa'id Arbacadii shalay in ay ka wada-hadleen isaga iyo Madaxweynaha Tunisiya sidii xabbad-joojin looga hirgelin lahaa Liibiya iyo dhinacyada ku dagaallamaya dalkaasi dib loogu soo celiyo miiska wadahadalka.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay rabitaanka Turkiga ee ah inuu ciidamo u diro Liibiya, isagoo sheegay in Ankara ay difaaci doonto dowladda fadhisa Tripoli taasoo dagaal kula jirta mucaaradka.

Liibiya ayaa jahwareer ka jirtay tan iyo sanadkii 2011 markii kacdoon ay NATO taageertay uu xukunka ka tuuray taliyihii muddada dheer xukunka hayey Muammar Gaddafi.

Dowladda Qaramada Midoobey ay aqoonsan tahay ee Liibiya ayaa waxaa duulaan kusoo qaadey malleeshiyaad uu hogaamiyo Khalifa Haftar oo gacanta ku haya gobollada ku yaalla bariga dalkaaasi, oo hodanka ku ah saliida.

Mareykanka, Imaaraadka, Masar, Sacduuiga, Ruushka iyo Faransiiska ayaa taageero siiya Jeneraalka awooda badan ee Khalifa Haftar, kaasoo maamula qaybo badan oo Liibya ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM