Ilhaan oo ilaalo dheeri ah dalbatay markii dil loogu goodiyey

Image

WASHINTONG, US – Xildhibaanadda ka tirsan Aqalka Sare ee Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa codsatay in sarre loo qaado ammaankeeda kadib markii mar kale dil loogu hanjabay, sidda ay Twitter-ka ku shaacisay.

Tani ayaa kusoo aadeysa saacado kadib markii xisbiga uu ka tirsan yahay madaxweyne Donald Trump ee gobolka Alabama uu soo jeediyay in haweenaydan laga saaro xeer-dejinta waddankaasi.

Murashax Aqalka Sare ee is-maamulkaasi, Roy Moore, ayaa sidoo kale wuxuu dhankiisa ku baaqay in gabdhan dib loogu celiyay dhulkeeda hooyo ee Soomaaliya, isaga oo ku raacay Trump.

Sidda laga soo xigtay qoraal ay soo dhigtay barteeda xiriirka dadweynaha, Ilhaan ayaa loo adeegsaday erayo xanaf leh kuwaasi oo ay qayb ka yihiin "urtadda Soomaaliya" iyo "in qori lagu dili doono".

Ilhaan oo laga soo doorto degmada 5aad ee gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay dalka Mareykanka ayaa waxaa loolan dhanka siyaasadda ah uu kala dhaxeeyaa Trump tan iyo doorashadeeda.

Afhayeen u hadlay Ilhaan ayaa u sheegay wargeyska Washington Post in baareyaashu ay gacanta ku hayaan kiiskan, isla markaana ay hubinayaa in uu yahay mid salka ku haya arrimo siyaasad.

Mareykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa aad looga soo warinayay falal naceyb ah, kuwaasi oo qaarkood uu ku lug-yeeshay Trump, wallow uu iska fogeeyay arrintaasi iskuna tilmaamay "wadani".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM