Iran oo sii deyneysa markab ku safrayey calanka UK oo ay qabsatay

Image

TEHRAN, Iran – Iiraan ayaa Isniinta maanta ah waxay ku dhawaaqday in ay sii deyneysa markab laga leeyahay Sweden balse ku saf-rayey calanka Ingiriiska oo ay qabsatay laba bilood kahor.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Tehran ayaa shaaca ka qaadey in sii deynta ay timid markii ay dhamaadeen shuruudihii ay ku xireen, wallow uusan fahfaahin ka bixin waxay yihiin shuruudaha.

Markabka oo ah nooca Shidaalka qaada lana yiraahdo Stena Impero ayaa 19-kii July laga qafaashay gacanka Hurmus.

Ciidamada Kacaanka Iiraan oo qabtay markabka ayaa ku eedeeyay in uu ku xadgudubay shuruucda baddaha caalamiga ah.

UK iyo Stena Bulk, shirkadda leh markabka, ayaa gaashaanka u duruuray eedeymahaas aadka u culus.

Shaqaale tiradooda lagu sheegay 23-ruux ayaa la codsaday markabka, oo sidoo kale illaa iyo hadda aan la ogayn goorta uu shareecan doono.

Qabsashada mariinkan ayaa timid laba isbuuc kadib markii Ingiriiska uu qabsaday markab Iiraani ah, Adrian Darya 1, oo lagu eedeeyay in uu baalmaray xayiraada Saliida Suuriya. Iiraan way diidey eeddaas.

Inkasta oo bartamihii August lasii daayey, haddana Mareykanka wuxuu isku dayey in lasii haayo markabka. Qabsashada labadaas markab ayaa holac kusii shiday xiisadda Khaliijka ee Tehran iyo Washington.

Xiriirka labadda dal ayaa sii xumaanayey tan iyo markii uu 2015-kii Trump ka baxay heshiikii Nuk-liyeerka ee lala galay Iiraan.

Tan iyo xiligaas, maamulka Trump ayaa xoojiyey cadaadiska Iiraan, isaga oo cunaqabateyn kusoo rogay shidaalka Iiraan oo ah isha dhaqaale ee ugu muhiimsan dakhliga dibadda ka yimaada ee waddankaas.

Shaacinta Isniinta ayaa imaaneysa iyadda oo ra’iisul wasaaraha UK, Boris Johnson uu kula biiray Mareykanka eedeynta ku saabsan in Iiraan ay ka dambeysay weerarkii keydka shidaalka Sacuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM