Dhimashadda George Floyd: Maxaa sababay dilka ninkii madowga ahaa?

Image

WASHINGTON, US – Tan iyo bartamaha todobaadkii lasoo dhaafay, qaybo kamid ah Mareykanka waxaa gilgilay banaanbaxyo waaweyn oo rabashado watay kuwaas oo ka dhashay dilka nin madow ah oo aan hub waddan.

Askari ka tirsan bileyska ayaa ka dambeeyay kadib markii uu qoorta dhulka ugu qabtay isla markaana uu ku haayey illaa iyo uu ka dhinto.

George Floyd oo 46-jir ayaa ku qaylinayey "ma neefsan karo, hooyo". Muuqaal laga soo duubay dhacdada ayaa aad loogu wadaagay baraha bulshadda. Falkaas wuxuu cusbooneysiisay la dagaalanka takoorka Mareykanka.

Dhimashadiisa ayaa is-qabqabsi kala dhex-dhalisay Muslimiinta iyo Madowga, maadaama booliska uu u yeeray shaqaale ka tirsan tukaan uu u adeeg ka doontay George Floyd, sidda ay warineyso warbaahinta.

Howlwadeenka tukaanka Cup Foods ayaa doonayey in uu ku wargeliyo booliska in xaanshida lacagaha lagu bixiyo oo ay ku saxiixan tahay 20 Doolar uu leeyahay nin kasoo jeeda dal Carbeed isla markaana Muslim ah.

Illaa iyo haatan ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinkaan iyo waxay sababay in boolisku gacanta ku dhigo George Floyd.

Hay'adaha nabad-gelyadda iyo kuwa sirdoonka ee Mareykanka ayaa waydiistay dadweynaha in ay lasoo wadaagaan hadii ay hayaan macluumaadyo iyo muuqaalo dheeraad ah oo ay ka dubeen goobta falku ka dhacay.

Sidee Soomaalida uga dhex-muuqdeen dibad-baxa?

Maadaama goobta mashaqadu ka dhacday ahayd koonfurta Minneapolis oo ah magaalo ay Soomaalidu ku badan tahay, isu soo baxyadda waxaa kaalin weyn ku lahaa jaaliyadda oo dareenka la wadaagay qoyskia dhibanaha.

Cali, oo ah sawir-qaade una waramay wargeyska MEE, ayaa daboolka ka qaadey in ay ku faraxsan yihiin taageeradda ay u muujinayaan qoyska.

"Waa wax aad u qurux badan in Soomaalida ay soo baxeen. Waxaan aaminsanahay maadaama ay waxu ka dhaceen Minneapolis oo aan u badanahay waa in aan doorkeena muujinaa," ayuu raaciyey.

Khadiija Cali, oo ah sawir-qaade kale kana qeybgashay mudaaharaadka, ayaa sheegtay in xadgudubyadda bileysku yihiin kuwa isa soo taraya.

"Marka laga soo tago dhammaan xaaladaha naxariisdarrada bilayska ee aan ku lug lahaa ama aan ka warqabo, ama aan la noolahay marqaati ahaan, waxaan u maleynayaa in tani tahay midda aadka ugu dhow gurigeyga sababtoo ah waxay ku dhacday qof kamid ah bulshadeyda," ayay xustay.

Soomaalida ayaa Minneapolis ku leh xarumo ganacsi, balse nasiib wanaag isku duubni ay sameeyeen ayay kaga guuleysteen in ay kaga hortagaan kooxaha banaanbaxayaasha kamid ah ee boobka sameynayey.

Takoorka dadka madowga ah waa mid kamid ah caqabadaha ugu xasaasisan ee dowladnimada casriga ah ee Mareykanka wajaheyso isla markaana la rumeysan yahay in ay waqti badan qaadaneyso in gebi ahaanba lasoo afjaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM