Jahwareer siyaasadeed oo ku jira Malaysia; Mahathir oo is-casilay

Image

KUALA LUMPUR - Ra’iisul Wasaarihii Malaysia, Mahathir Mohamad ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay inuu xilka iska-casilay xili dalka uu ku jira khilaaf siyaasadeed.

Is-casilaadda Mahathir Mohamad ayaa dhabaha u xaaraysa dhismaha dowlad cusub, oo wadaag ah.

Mahathir Mohamad ayaa warqadda is-casilaadiisa u gudbiyay boqorka Malaysia Yang di-Pertuan Agong, waana laga aqbalay sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo warisay in Mahathir sidoo kale iska-casilay xisbigiisa Parti Pribumi Bersatu Malaysia [Malaysian United Indigenous Party], oo uu gudoomiye u ahaa.

Xisbiga ayaa ka biyo diiday inuu qeyb ka noqday dowladda cusub ee lasoo dhisayo, iyadoo uu Mahathir loolan kala dhaxeeyo Anwar Ibrahim, oo madax u ah xisbiga People's Justice Party.

Mahathir ayaa doonayay inuu sameeyo isbahaysi xukuma dalka, kaasi oo meesha ka saaraya Anwar Ibrahim. Lama oga cida noqon doonto Ra'iisul Wasaaraha cusub iyo in la qaban doono doorashooyin waqtigooda laga soo hormariyay.

Xaaladda isbahaysiga xukuma Malaysia ee Parti Pribumi Bersatu Malaysia (Bersatu) ayaa soo wajahay jahwareer kadib markii uu ku guuldareystay dhismaha isbahaysiga cusub oo soo dhisi doono dowladda.

Anwar Ibrahim ayaa looga wacay qasriga boqorka kadib is-casilaadda lama filaanka ah ee Mahathir, waxaana wararku ay sheegayaan inay suurtagal yahay in loo magacaabo xilka Ra’iisul wasaaraha.

Mahathir, 94 jir ah ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaaraha 5aad ee dalka Malaysia, laga soo billaabo1981 illaa 2003, xiligaas oo uu howlgab noqday.

Sanadkii 2018, ayaa xilka dib loogu soo celiyay kadib markii uu is-casilay Ra’iisul Wasaarihii hore Najib Razak, kaasoo lagu helay musuq-maasuq malaayiin dollar, oo lagala baxay sanduuqa maal-gelinta dalka.

Mahathir iyo Anwar ayaa ku midoobay doorashadii 2018, si ay xukunka uga tuuraan xisbiga muddada fog talada hayey ee UMNO, ayaga oo isbaheysi ku dhisay ballan-qaad ah in Mahathir uu xukunka ku wareejin doono Anwar.

Warbaahinta Malaysia qaar ayaa sheegay in Mahathir uu qorsheynayo inuu dowlad cusub soo dhiso, isaga oo taageero ka helaya xisbiyo kale oo aan ahayn midka Anwar, sida xisbiga UMNO.

Haddii la waayo isbahaysi heli kara 112 xubnood oo kamid ah 222-ka kursi ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka, waxaa la qaban doonaa doorasho cusub, sida uu sheegay qof ku dhow xisbiga Mahathir.

Anwar ayaa Axaddii xisbiga Mahathir ee Bersatu ku eedeeyey inay jaajuusiin ku dhex-sameysteen xisbigiisa PKR, ayaga oo qorshahoodu yahay inay dowlad cusub lasoo dhistaan UMNO.

Mahathir ayaa lagu amaaney inuu dalkan dhaca koonfur bari Asia ka dhigay mid kamid ah kuwa ugu dhaqaalaha badan caalamka mudadii dheerayd ee uu xukunka hayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM