Kenya oo muddo kooban hakineysa duulimaadyada ka tegeya Somalia

Image

July 15, 2015 (GO)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay muddo kooban hakin doonto duulimaadyada diyaaradaha ee ka imaanaya dalka Soomaaliya.

Madaxa Waaxda Xiriirka ee Madaxtooyada Kenya Manoah Esipisu, ayaa sheegay in tallaabadan loo qaadey sababo la xiriira dhanka ammaanka, maadaama 25ta bishan July uu dalka Kenya booqasho ku imaan doono Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Dowladda Kenya ma caddeyn xilliga sida rasmiga ah loo hakin doono duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya, balse af-hayeenka u hadlay Madaxtooyada kenya ayaa xusay in diyaaradaha Soomaaliya kasoo duulaya aan loo oggolaan doonin inay kasoo degaan garoommada Wilson Airport iyo Jomo Kenyatta International Airport.

Booqashada Obama oo qaadan doonta muddo labo maalmood ah waxay noqoneysaa tii ugu horreysey ee uu ku yimaado Kenya, laga soo bilaabo markii loo doortey Madaxweynaha Maraykanka sanadkii 2008.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Ma Ka Qayb Gali Doonaa Shirka G20 ee South Africa?

Bishii Maarso, Mareykanka ayaa eryay Safiirkii Koonfur Afrika ee Washington, Ebrahim Rasool, kaddib markii uu si kulul u dhaliilay Trump.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 04:34AM

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM