Kuuriyada Waqooyi : Maraykanka sidaan ugu lisnay nooguma hambayn

Image

Kuuriyada waqooyi ayaa mar kale si kulul ugu dhaliishay Mareykanka in uusan wali qaadin cuna-qabateynta saaran dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in dhankooda ay qaadeen tallaabooyin wanaagsan oo horseedi kara is af-garad, balse Mareykanku ay ilaa hadda sii amba qaadayaan waxa ay ugu yeertay "hadallada uu waqtigooda dhacay" ayna curyaaminayaan dhaq dhaqaaq kasta oo lagu raadinayo bur burinta hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa in muddo ahba la daalaa dhacaya cadaadis caalami ah iyo cuna-qabateyn uu Mareykanka beesha caalamka kaashanaya kusoo rogay kuwaasoo ay ku muteysatay barnaamijkeeda hubka nuclear-ka iyo gantaallada ay tijaabiso.

Hase ahaatee Mareykanka ayaa doonaya in hub ka dhigis buuxda oo nuclear ah lagu sameeyo waddankaas ka hor inta aan laga dul qaadin cuna qabateyta.

Madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa bishii June isku waafaqay in ay ka wada shaqeeyaan howsha ku saabsan sidii hubka nuclear-ka looga sifeyn lahaa gacamnka Kuuriya.

Balse faah-faahinta dheeriga ah ee heshiiskaas ayaan wali si buuxda usoo bixin - sidoo kalena Kuuriyada Waqooyi ayaan wali si rasmi ah u xaqiijinin in ay ka tanaasuleyso hubkeeda nuclear-ka.

Asbuuci lasoo dhaafay, macluumaad si qarsoodi ah lagu shaaciyay oo ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa laga dheehday qoraal lagu sheegay in waddankaasi uusan wali hakinin sameynta hubka - waxa ayna arrintaasi horseedday in Mareykanka uu beesha caalamka ugu baaqo in ay sii amba qaadaan hir gelinta cuna-qabateynta.

Maxay ka tiri Kuuriyada Waqooyi?

Wasaaraddeeda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in la qaaday tallaabooyin ku tala gal ah oo loo sameeyay ; hakinta tijaabooyinka gantaallada xambaara hubka wax gumaada, dib usoo celinta haraadiga lafihii ciidanka mareykanka ee lagu dilay dagaalkii gacanka Kuuriya ee dhacay intii u dhaxeysay sannadihii 1950-53 iyo waliba shaqo joojinta laga sameeyay xarumaha ay ku yaallaan warshadaha lagu bacrimiyo nuclier-ka.

"ilaa iyo inta ay Mareykanku inkirayaan qodobbadii aan ku wada hadalnay ayna adeegsanayaan hadallada uu waqtigooda dhacay ee ay horayba ugu guul darreysteen maamulladii hore, ma jirto cid fili karta in wax horumar ah laga sameeyo dhaqan gelinta heshiiskii sida wada jirka ah loo soo saaray oo ay qeyb ka tahay bur burinta Nuclear-ka". Waxaa sidaas lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi.

Horraantii isbuucaan, wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ficillada Mareykanka ku qeexay "qeylo dhaan". Bishii lasoo dhaafayna, Kuuriyada Waqooyi waxa ay Mareykanka ku eedeysay in ay hab "mooryaannimo ah" u adeegsanayaan wada hadallada.

'In digaagad nool laga sugo ukun la bisleeyay'

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeysay saraakiisha Mareykanka "in ay sameynayaan wax uusan raali ka ahayn madaxweyne Trump" maadaama "ay soo jeediyaan eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn" iyo "in ay si naf-la-caarinimo ah u sii xoojiyaan cuna qabateynta caalamiga ah iyo cadaadiska".

Waxa ay intaas ku dartay "in wax natiijo ah la fisho iyadoo la af lagaadeynayo mid ka mid ah dhincyadii wada hadalka aasaaska u ahaa" waa "nacasnimo la mid ah in digaagad nool laga sugo ukun biyo kulul lagu bisleeyay".

Saraakiisha sar saree e Mareykanka ayaa iyana dhankooda si kulul u cambaareeyay habka ay Kuuriyada Waqooyi u wajaheyso heshiiska ku saabsan bur burinta Nuclier-ka.

John Bolton oo ah la taliyaha amniga qaranka ayaa horraantii toddobaadkaan sheegay in Kuuriyada Waqooyi aysan wali billaabin howsha ku saabsan heshiiska, halka haweeneyda dan jiraha Mareykanka uga ah Qaramada Midoobay, Nikki Haley ay iyadana sheegtay in xukuumadda Washington "aysan diyaar u ahayn in ay waqti aad u dheer iska sugto" Kuuriyada Waqooyi.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Pyongyang Ri Yong-ho ayaa hadda booqasho ku jooga dalka Iran iyadoo dhawaanna madaxweynaha dalkaas Hassan Rouhani uu ka digay in Mareykanka aan la aamini karin maadaama ay Tehran u soo joogtay in maamulka Trump uu hal bacaad lagu lisay ka dhigay heshiiskii ay Iran la gashay maamulkii Obama ee ku saabsanaa qaadista cuna qabateynta saaran Iran.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Iran, Mr Ri ayaa sheegay dalkiisu uu heysan doono cilmiga uu dib ugu sameysan doono hubka Nuclear-ka haddii uu Mareykanka kusoo xad gudbo Pyongyang.

"Maadaama aan ka war qabno in Mareykanka uusan waligiis ka tanaasuli doonin cadowtinnimada uu noo qabo, waxaan sii heysan doonnaa aqoonteenna ku saabsan hubka nuclear-ka," ayuu yiri sida ay tabiyeen warbaahinta maxalliga ah ee Iran.

BBC

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM