Lubnaan: Is-casilaada RW Hariri oo kor u qaadey khatarta Gobolka

Image

BEIRUT - Iscaasilaadii Ra'isal wasaraaha dalka Lubnaan Saad Hariri maalinimadii Sabtida ayaa waxay sare u qaadey khatarta in dalkaas uu markale dib ugu noqdo dagaal sokeeye.

Hariri oo is-casilaadiisa kaga dhawaaqey wadanka Sucuudiga ayaa ku macneeyey talaabadaan uu xilka kaga dagey, saameynta ay dalka Iran ku leeyahay Lubnaan taasoo ka dhigeysa in dalkaas noqdo goob wadamo kale ku hardamaan.

Iyadoo soo dhexmareysa xisbiga Hezbolah,  Iran waxaa ay ka dhigtey dalka Lubnaan mid kamid ah dalkeeda", ayuu Hariri oo hadlkaan ka sheegey Talafishin ku yaal magaalada Riyadh. Waxaa uu ku eedeyey dalka Iran in meesha uu cagta dhigto ay la kulmeyso burbur iyo halaag.

" Waxaan rabaa in aan Iran u sheego iyo kuwa la socda iney dhuminayaan saameynta ay ku leeyihiin dalalka Carabta. Wadankeenu waxaa uu bilaabi doonaa kacdoon sidii horey ay u yeeleen dadkiisu iyadoo gacmaha waxyeelada u gaysanaya la jari doono," ayuu yiri Hariiri, isagoo tilmaamey in talaabada uu qaadey bilow u tahay dadaal dowlada Sucuudiga taageryso kasoo lagaga hortagayo faragalinta dalka Iran ku hayo Lubnaan.

Is-casilaadaan ayaa ka dhigeysa inuu dhamaadey waqtigii isbaheysiga  xukumadeed ee u dhexeeyey muslimiinta Suniga ah iyo Hezbolah ( Shiico) kuwasoo ay kala tageeraan wadamada Sucuucdiga iyo Iran. Xukuumadii wadaaga aheyd ee ka dhisneyd dalkaan ayaa ka caawintey in  Lubnaan ka badbaado dagaalada sokeeye ee burburiyey wadanka Siiriya.

Dalka Israa'iil, oo isagu bilhii lasoo dhaafey ku hanjabayey iney dulaan ku qaadi doonaan Hezbollah Lubnaan, ayaa soo dhoweeyey go'aanka uu isku casiley Hariiri iyagoo sheegey in digniin u tahay caalamka weerarka dalka Iran ku soo qaadey gobolka.

Dhinaca kale khilaafka gobolka oo sii kordhaya, Xuutiyiinta Yemen oo tageero ka hela dalka Iran ayaa gantaal ay soo tuureen  la beegsadey magaalada Riyadh kaasoo ku dhacey agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid. Gantaalkaan ayaa ku soo dhacey dalka Sucuudiga waxyar kadib markii Hariri ku dhawaaqey is-casilaadiisa.

Dalka Mareykanka, oo muddo riixayey in laga hortago Iran saameynta ay ku leedahay gobolka ayaa jawaab deg deg bixin, balse ma cadda in maamulka Trump qayb ka yahay in dalka Sucuudiga ka hortago saamenyta Iran ku leedahay Lubnaan.

La taliye ka tirsan wasaarada arimaha dibada dalka Iran oo hadal siiyey wakaalada wararka Fars, ayaa si toos ah ugu eedeyey Madaxweyne Trump inuu ka shaqeeyey is-casilaada Hariri.

Dowlada Iran ayaa dhinaca kale iska fogeysay eedeynta Hariri u soo jeediyey iyadoo ku tilmaantey nasiib daro in wadan shisheeye kaga dhawaaqey is-casilaadiisa.

Hariri eedeyntiisa aan runta aheyn... waxay ku tuseysaa in is-casilaadiisa uu rabo in gobolka uu kaga abuuro deganaansho la'aan," ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaarada arimaha dibada ee dalka Iran.

Saad Hariri ayaa sheegey inuu rumeysan yahay in naftiisa ku jirtey halis isagoo ku timaamey jawiga Lubnaan u ekaa markii aabihii Rafiq Al- Hariri la diley.

 

Related Articles

Zelensky oo codsaday in la difaaco si la mid ah Israa’iil

Ciidamada Ruushka ayaa mowjado cusub oo weeraro ah ku qaadaya bariga Ukraine.

  • Caalamka

    15-04-2024

  • 09:13AM

Israa’il oo la xaqiijiyay inay jawaab ka bixin doonto weerarkii Iran

Madaxweynaha Maraykanka ayaa wado dadaal lagu baajinayo weerarkaas.

  • Caalamka

    15-04-2024

  • 06:41AM