Madaxweynihii dalka Haiti oo lagu dilay weerar qorsheysan

Image

PORT-AU-PRINCE, Haiti - Madaxweynaha waddanka Haiti, Jovenel Moise, ayaa Arbacada maanta ah lagu soo waramay in lagu dilay weerar xilli habeen ah lagu qaaday hoygiisa gaarka ah ee magaalada caasimada ah ee Port-au-Prince.

Koox dabley ah, oo qaarkood la sheegay inay ku hadlayeen Isbaanish, ayaa galay guriga Mr Moise abaare 1am Arbacadii, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray ra'iisul wasaaraha oo ay baahisay warbaahinta dowlada.

53 jirkan ayaa toogasho lagu diley sidoo kale marwada koobaad ee Martine ayaa sidoo kale ku dhaawacmey weerarka, sida ku xusan war-saxaafadeedka kasoo baxay Claude Joseph.

Joseph ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadda booliska iyo ciidamada qalabka ay haatan mas'uul ka yihiin amaniga dalka "si loo damaanad qaado badbaada qaranka iyo kala dambeynta".

Wasiirka koowaad ee xukuumadda fadhigeedu yahay caasimada Port-au-Prince oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku tilmaamay weerarka inuu ahaa "mid foolxun, bini'aadanimada ka baxsan, iyo dhaqan xumo".

Moise wuxuu ku xukumayay Haiti oo dalka ugu saboolsan Ameerika wareegto kadib markii doorashadii sharci dejinta ee lagu waday inay dhacdo 2018 ay dib udhacday sababo khilaafaadka, oo ay ku jirto in uu waqtigiisa dhamaaday.

Dhibaatada siyaasadeed ka sokow, afduubyada madaxfurashada ayaa batay bilihii la soo dhaafay, taas oo ka sii tarjumeysa saameynta sii kordheysa ee kooxaha gaangiska hubeysan ay ku leeyihiin waddanka ku yaala Caribbean-ka.

Haiti ayaa sidoo kale waxay wajahaysaa saboolnimo daba dheeraatay iyo aafooyin dabiici ah oo soo noqnoqday. Wadanka dadkiisu yihiin 11 milyan oo qof ayaa ku soo kordhay xasillooni darro iyo niyad xumo ka timid Moise, oo ahaa 53-sano jir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM