Skip to content
Garowe Online
Toos
EN SO
  • Wararka
  • Soomaaliya
    • Puntland
    • Somaliland
    • Jubaland
    • Galmudug
    • Koonfur Galbeed
    • Hirshabeelle
    • SSC-Khaatumo
    • Banaadir
    • Siyaasadda
    • Amniga
    • Doorashooyinka
  • Caalamka
    • Afrika
    • Bariga Dhexe
    • Yurub
    • Aasiya
    • Waqooyiga Ameerika
    • Khaliijka
    • Ruushka & Ukraine
    • Xiriirka Caalamiga
  • Ganacsiga
    • Dhaqaalaha
    • Suuqyada
    • Maalgashiga
    • Bangiyada
    • Tamarta
    • Dekedaha & Gaadiidka
  • Sayniska & Tiknoolajiyadda
    • Sayniska
    • Tiknoolajiyadda
    • Sirdoonka Macmalka
    • Amniga Internetka
    • Hal-abuurka
    • Hawada Sare
  • Deegaanka
    • Isbeddelka Cimilada
    • Abaaraha & Fatahaadaha
    • Biyaha
    • Tamarta Nadiifta
    • Ilaalinta Deegaanka
  • Caafimaadka
    • Caafimaadka Soomaaliya
    • Caafimaadka Caalamka
    • Cudurrada Faafa
    • Adeegyada Caafimaadka
    • Hooyada & Dhallaanka
    • Cilmi-baarista
  • Fikradaha & Falanqaynta
    • Aragti
    • Falanqayn Siyaasadeed
    • Falanqayn Dhaqaale
    • Tifaftirka
    • Wareysiyo
    • Qormooyin Gaar ah
  • Ciyaaraha
    • Kubadda Cagta
    • Ciyaaraha Soomaaliya
    • Ciyaaraha Afrika
    • Ciyaaraha Caalamka
    • Muuqaal
    • Sawiro
    • War Saxaafaded
  • Bogga hore
  • Wararka
  • Soomaaliya
    • Puntland
    • Somaliland
    • Jubaland
    • Galmudug
    • Koonfur Galbeed
    • Hirshabeelle
    • SSC-Khaatumo
    • Banaadir
    • Siyaasadda
    • Amniga
    • Doorashooyinka
  • Caalamka
    • Afrika
    • Bariga Dhexe
    • Yurub
    • Aasiya
    • Waqooyiga Ameerika
    • Khaliijka
    • Ruushka & Ukraine
    • Xiriirka Caalamiga
  • Ganacsiga
    • Dhaqaalaha
    • Suuqyada
    • Maalgashiga
    • Bangiyada
    • Tamarta
    • Dekedaha & Gaadiidka
  • Sayniska & Tiknoolajiyadda
    • Sayniska
    • Tiknoolajiyadda
    • Sirdoonka Macmalka
    • Amniga Internetka
    • Hal-abuurka
    • Hawada Sare
  • Deegaanka
    • Isbeddelka Cimilada
    • Abaaraha & Fatahaadaha
    • Biyaha
    • Tamarta Nadiifta
    • Ilaalinta Deegaanka
  • Caafimaadka
    • Caafimaadka Soomaaliya
    • Caafimaadka Caalamka
    • Cudurrada Faafa
    • Adeegyada Caafimaadka
    • Hooyada & Dhallaanka
    • Cilmi-baarista
  • Fikradaha & Falanqaynta
    • Aragti
    • Falanqayn Siyaasadeed
    • Falanqayn Dhaqaale
    • Tifaftirka
    • Wareysiyo
    • Qormooyin Gaar ah
  • Ciyaaraha
    • Kubadda Cagta
    • Ciyaaraha Soomaaliya
    • Ciyaaraha Afrika
    • Ciyaaraha Caalamka
    • Muuqaal
    • Sawiro
    • War Saxaafaded
  • FacebookXYouTubeTikTokInstagramTelegram
Wararka/ Caalamka

Mareykanka oo sheegay in uu khaarijiyey Amiirkii Daacish

WASHINGTON, USA — Hoggaamiyihii kooxda Daacish ayaa lagu dilay howlgal xalay ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee Syria, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Weerarka ayaa lagu beegsaday Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi, oo hoggaanka kooxda mintidiinta ah la wareegay 31-kii October 2019, maalmo un kadib markii hoggaamiye Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhintay howlgal ay Mareykanka ka fuliyeen isla aagaas. Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in al-Qurayshi uu u dhintay si la mid ah Al-Baghdadi, isaga oo isku qarxiyey bam dilay isaga iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, oo ay ku jiraan haween iyo caruur kadib markii ay kusoo siqeen ciidamada Mareykanka. Waxaa sidoo kale loo yaqiin Amir Muhammad Sa’id Abdal-Rahman al-Mawla. Howlgalka ayaa yimid xilli ay Daacish isku dayayeen inay dib usoo laba kacleeyaan, ayaga oo weeraro dhowr ah ka fuliyey gobolka. Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa kusoo degay diyaarado helicopter ah, waxayna weerareen guri ay Daacish ku laheyd Syria, ayaga oo iskudhac socday laba saac uu dhex-maray koox hubeysan, sida ay sheegeen goobjoogeyaal. Dadka deegaanka ayaa sheegay is-rasaaseyn xoogan iyo qaraxyo aad looga maqlay magaalada Atmeh oo ku dhow meel ku dhow xuduudda Turkey, oo ay ku yaallaan xerooyin ay ku jiraan dad kusoo barakacay dagaalka sokeeye ee Syria. Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa sheegay in 13 qof lagu dilay iska hor-imaadka, oo ay ku jiraan lix caruur iyo afar haween ah. Madaxweyne Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu amray weerarka “si uu ilaaliyo shacabka Mareykanka iyo xulufadeena ugana dhigo dunida meel amni ah.” “Ayada oo ay ku mahadsan yihiin ciidamadeena geesiyada ah ee xirfadda leh, waxaan goobta dagaalka ka saarnay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi – Hoggaamiyihii Daacish,” ayuu Biden ku yiri bayaan uu soo saaray. AP + VOA

A+
AP + VOA
3 Feb 2022 · 19:02
Mareykanka oo sheegay in uu khaarijiyey Amiirkii Daacish 3 sawir

Bandhigga sawirrada · 3 sawir

Eeg dhammaan 3 sawir →

ISIL Daacish IS

Ugu akhriska badan

  1. 1 Xasan Sheekh oo laga sugayo inuu amniga mucaaradka ku wareejiyo beesha caalamka.
  2. 2 Jaamac oo Kenya, Itoobiya iyo Uganda ku Eedeeyay Iskaashi ay la leeyihiin Al-Shabaab
  3. 3 Booliska Sweden oo maxkamad loo soo taagayo kiiska dilka wiil Soomaali ah
  4. 4 Madaxweynihii ugu horreeyay HirShabelle oo ku geeriyooday Masar
  5. 5 Wasiir ka tirsanaa xukuumadda cusub ee Galmudug oo is-casilay saacado kadib magacaabistiisa

Wararkii ugu dambeeyay

Soomaaliya

Dagaalka Sacuudiga iyo Xuutiyiinta: Dagaalku wuxuu u gudbay gudaha Sacuudiga

28 Nof

Soomaaliya

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay cutub cusub oo ka tirsan ciidankeeda cirka

27 Nof

Khaliijka

Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan oo ka shiraya iskaashiga milatari

27 Nof

Toos

Aragti

FAALLO | Yaa ka faa’iidaya ololaha sumcad-dilka ee Puntland?

27 Nof

Maalgashiga

Musk oo sheegay in carruurta Maraykanka la siinayo saamiyo SpaceX ah

27 Nof

Wax dheeraad ah: Caalamka

Ship
Toos

Caalamka

Qarax ka ag dhacay markab galbeedka Dubai xilli ay socdaan weerarrada Sacuudiga iyo Xuutiyiinta

26 Nof 2026

Abiy Axmed iyo Sheekh Shakhbuut bin Nahyan oo ku kulmay Addis Ababa, 23 Nofeembar 2026.

Caalamka

Abiy oo la kulmay wasiir Imaaraad ah, xilli Muqdisho ay ku dhawaaqday eryid safiir

23 Nof 2026

Caalamka

Golaha Iskaashiga Khaliijka oo cambaareeyay hadallada Soomaaliya ee ka dhanka ah Imaaraadka

20 Nof 2026

Caalamka

Qareen: Dacwad lagu soo oogay ilaaliyaha gaarka ah ee Ilhaan ayaa loo adeegsaday raadinta xog ka dhan ah

12 Nof 2026

Garowe Online

Garowe Online waa degel war oo xor ah oo fadhigiisu yahay Garoowe, Puntland, waana walaalka internetka ee Radio Garowe.

Liiska

  • Wararka
  • Soomaaliya
  • Caalamka
  • Ganacsiga
  • Sayniska & Tiknoolajiyadda
  • Deegaanka
  • Caafimaadka
  • Fikradaha & Falanqaynta
  • Ciyaaraha

Garowe Online

  • Nagu saabsan
  • Nala soo xiriir
  • Qaanuunka asturnaanta
  • Dejinta cookies
  • RSS

Nala soco

  • Facebook
  • X
  • YouTube
  • TikTok
  • Instagram
  • Telegram
© 2026 Garowe Online. Xuquuqda oo dhan way dhowran tahay.

Asturnaantaada

Waxaan isticmaalnaa cookies lagama maarmaan ah si boggu u shaqeeyo. Oggolaanshahaaga kadib, waxaan sidoo kale u oggolaanaynaa shirkadaha xayeysiiska inay soo bandhigaan waxyaabahooda. Qaanuunka asturnaanta