Markabka kiciyay xiisadda US iyo Iran oo lagu arkay biyaha Syria

Image
Image
Image

WASHINGTON, US – Sawirada markab Shidaal oo dhaliyay xiisadda Mareykanka iyo Iran ayaa lasoo bandhiyay kuwaasoo muujiinaya inuu ku sugan yahay dekad ku taalla dalka Syria, maalmo kadib markii la sii daayay.

Adrian Darya-1, kaasoo xambaarsan saliid cayriin ah ayaa ku xirtay dekada magaaladda Tartus ee dhacda badda Mediterranean-ka, kana tirsan Syria, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Bishii July, ciidamada Ingiriiska ayaa Markabkan ku qabtay xeebaha Jaziiradda Gibraltar markii looga shakiyay inuu kusii jeedo Syria, islamarkaana uu jebinayo cunaqabateynta Midowga Yurub.

Mudo bil ah kadib, ayaa lasii daayay bishii August markii la bixiyay damaanad ah inuusan tagin dalka Syria.

Markabkan oo horey magaciisa loo oran jiray Grace 1 markii lagu qabanayay Gibraltar ayaa abuuray xiisad u dhaxaysay Mareykanka iyo Iran, kadib markii saraakiil American ah ay dalbadeen in aan lasii deyn.

Si kastaba, Maxkamada sare ee Jaziiradda Gibraltar ayaa ku gacan-seertay dalabka Mareykanka iyadoo amar ku bixisay in lasoo daayo 15-kii bishii lasoo dhaafay ee August, kadib markii ay damaanad-qaad ka heshay dowladda Iran oo ahayd inuusan aadin dhanka Syria.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa xaqiijisay 5-tii bishan September in ay u balan-qaaday Kabtanka Markabka lacag malaayiin dollar ah, balse ku fashilantay qorshahaasi ah in dib loo soo qabto Grace 1.

“Waxaan xiriiro badan la sameynay Kabtanada iyo Shirkado dhinaca Maraakiibta qaabilsan, si naloogu soo gacan geliyo Grace 1,” ayuu afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u sheegay AFP.

Mareykanka ayaa liiska madow ku daray Markabka, isagoo ka cabsi qaba Kooxaha Argagaxisada Syria ayaa ka faa’daystaan lacagta lagu iibiyo saliida uu wado.

La-taliyaha amaanka qaranka Madaxweyne Trump John Bolton ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in qof kasta oo markii hore aaminsanaa in Markabka uusan tageynin Syria ay hadda been noqotay.

Sanadkii tagey, Trump ayaa ka baxay heshiis 2015 dowladaha reer galbeedka la galeen Iran, isagoo dib usoo celiyay cunaqabateyntii saarnayd dalkan ay shiicadu ku badan tahay, si loo curyaamiyo barnaamijkisa hubka Niyukleerka.

Sikastaba ha ahaatee, xiisada colaadeed oo u dhaxaysa Iran iyo Mareykanka ayaa wlai ka taagan gacan-biyoodka mashquulka badan ee Hormuz, iyadoo Iran ay soo riday bishii lasoo dhaafay diyaarad Drone ah oo Mareykanku lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM