Qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay waqoyga Shiinaha

Image

BEIJING, China – Ugu yaraan 15-ruux ayaa ku naf-weysay kadib qarax ka dhacay waqoyga Shiinaha, galabnimadii Isniinta, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Qaraxa oo ka dhashay Gaas ayaa wuxuu ka dhex-dhacay gudaha goob laga soos aaro dhuxusha iyo macdanta oo ay ka socoto shaqo. Dhaawaca waa tobanaan.

Saraakiisha ismaamulka Pingyao ee gobolka Shanxi oo dhacdada laga soo wariyey ayaa waxay tibaaxeen in khasaaraha uu kordhi karo.

Howlo badbaadin ah ayaa socda maadaama laga cabsi in dhulka hoostiisa ay ku jiraan dad kamid ahaa shaqalaaha oo la la'yahay.

Inta badan qaraxyadda ka dhashay Gaaska ayaa laga soo wariyaa China, iyadda oo dowladdu lagu dhaliilo in aysan u tababarin shaqalaaha habka is-badbaadinta.

Sanadkii 1942-dii ayay ahayd markii waqooyi barri Shiinaha uu ka dhacay qaraxii ugu dhimashada badnaa, kaasoo galaaftay ku dhowaad laba kun.

Marka laga hadlo caalamka, Shiinaha ayaa ah waddanka ugu badan ee ay dadku ugu dhintaan iyaga oo macdan soo saaraya.

Waxaa lagu qiyaasaa 80%, sidda lagu sheegay warbixin dhowaan soo baxday. Inkasta oo sarre u kacaan uu jiro, sanadihii u dambeeyay hoos u dhac ayaa jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM