Qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay waqoyga Shiinaha

Image

BEIJING, China – Ugu yaraan 15-ruux ayaa ku naf-weysay kadib qarax ka dhacay waqoyga Shiinaha, galabnimadii Isniinta, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Qaraxa oo ka dhashay Gaas ayaa wuxuu ka dhex-dhacay gudaha goob laga soos aaro dhuxusha iyo macdanta oo ay ka socoto shaqo. Dhaawaca waa tobanaan.

Saraakiisha ismaamulka Pingyao ee gobolka Shanxi oo dhacdada laga soo wariyey ayaa waxay tibaaxeen in khasaaraha uu kordhi karo.

Howlo badbaadin ah ayaa socda maadaama laga cabsi in dhulka hoostiisa ay ku jiraan dad kamid ahaa shaqalaaha oo la la'yahay.

Inta badan qaraxyadda ka dhashay Gaaska ayaa laga soo wariyaa China, iyadda oo dowladdu lagu dhaliilo in aysan u tababarin shaqalaaha habka is-badbaadinta.

Sanadkii 1942-dii ayay ahayd markii waqooyi barri Shiinaha uu ka dhacay qaraxii ugu dhimashada badnaa, kaasoo galaaftay ku dhowaad laba kun.

Marka laga hadlo caalamka, Shiinaha ayaa ah waddanka ugu badan ee ay dadku ugu dhintaan iyaga oo macdan soo saaraya.

Waxaa lagu qiyaasaa 80%, sidda lagu sheegay warbixin dhowaan soo baxday. Inkasta oo sarre u kacaan uu jiro, sanadihii u dambeeyay hoos u dhac ayaa jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM