Rayid xaflad aroos ka qeybgalayey oo lagu laayey Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan – Ugu yaraan 40 ruux oo shacab ah kana qeybgalayey xaflad aroos ayaa lagu laayey gobolka koonfurta Afghanistan dhaca ee Helmand, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warameysa in dadkan ay ku dhinteen howlgal ay qaadeen ciidamada uu taageero Mareykanka.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa shaacisay in bartilmaameedka uu ahaa guri ay qaraxyo ku diyaariso Taliban oo halkaas ka akdhowaa.

Howlgalka oo ay xoogaga dowladda fuliyeen habeenimadii Axadda ayaa mid toos ah, waxaana ka dhashay qaraxyo waaweyn iyo iska hor-imaad.

Inta badan rayidka ayaa la sheegay in ay ku naf-waayeen rasaasta ka imaaneysa is-rasaaseynta oo muddo saacado ah socotay, sida la sheegay.

"Ciidamadda ayaa weeraray oo xubno badan ku dilay goob ay maleyshiyaadka gabaad ka dhigtaan kuna diyaariyaan is-miidaaminta," ayay tiri.

Aaga ay wax ka dhaceen oo lagu magacaabo Musa Qala ayaa waxaa kawada howlgala ciidamadda ammaanka iyo falaagadda Taliban.

Afhayeen u hadlay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan ayaa qiray in ay door ku lahaayeen howlgalka, wuxuu sheegay "in argagixisadda ay rasaasta ku bilaabeen ciidanka".

Colaada Taliban ayaa sii karaar-qaadatay wixii ka dambeeyay burburkii ku yimid wada hadaladii mudadada bilooyinka ah Mareykanka iyo Taliban uga socday waddanka Carbeed ee Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM