Sacad Xariiri oo dib u dhigay Iscasilaadiisii gilgishay Lubnaan

Image

Beirut - Ra'iisul Wasaaraha dalka Lubnaan Sacad Xariiri ayaa ku dhawaaqay Maanta oo Arbaco ah inuu dib u dhigay Iscasilaadiisa, isagoo ka jawaabaya Codsiga Madaxweyne Michel Aoun.

Xiriiri ayaa aqbalay codsiga Madaxweynaha, oo ah inuu siiyo fursad wadatashiyo looga sameeyo go'aankiisa ah inuu faarujiyo xafiiska Ra'iisul wasaaraha dalkaasi.

Iscasilaadda Xiriiri ayuu ku dhawaaqay 4-tii bishan November isagoo ku sugan dalka Sacuudiga, taasi oo gilgishay Lubnaan, iyadoo lagu micneeyay inay ahayd mid lagu qasbay.

Sacad Xariire ayaa ku sheegay sababta uu isku-casilay inuu u baqay naftiisa oo khatar ugu jirta dalka Iran, oo saameyn xooggan ku leh Siyaasadda dalkiisa Lubnaan.

Xariire ayaa ku laabtay dalkiisa shalay, waxaana uu ka qeybgalay Maalinta Xuriyadda Lubnaan, kahor inta uusan Madaxtoyada kula kulmin Madaxweynaha, oo uu u gudbiyay Warqada Iscasilaadiisa, taaso oo laga diiday.

Wuxuu kasoo laabtay booqashooyin uu ku tagay Faransiiska iyo Masar, isagoo markii hore ka tagey Sacuudiga oo ah halka uu uga dhawaaqay inuu iska casilay xilka Ra'iisul Wasaaraha.

Sacad Xiriire oo ka dagay Beirut kadib mudo dalkaasi uu ka maqnaa

Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun ayaa sheegayxilli hore inuusan aqbali doonin Iscasilaadda Sacad, ilaa uu dalka dib ugu soo laabanayo.

Sacuudiga iyo Iran ayaa ku loomaya Siyaasadda dalka Lubnaan, oo shacabkiisa ay haystaan dhibaatooyin badan oo dhaqaale, shaqo la'aan iyo hogaan xumo isagu jirta.

Rafiiq Al Xariir, oo ah aabaha dhalay Sacad ayaa lagu dilay qarax shirqool ahaa oo ka dhacay Lubanaan 14 February 2005, sanad kadib markii uu xilka ka dagay, isagoo dalkaasi Ra'iisul Wasaare kasoo ahaa 2000 ilaa 2004.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM