Shinzo Abe oo mudo dheer sii maamuli doona Japan

Image

TOKYO - Ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa mar kale loo doortay inuu sii ahaado hogaamiyaha xisbiga talada haya ee dalkaas, kadib marki uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorasho ka dhex-dhacday xisbiga Liberal Democratic.

Guushaan ayaa waddada u sii xaareysa in Abe uuu Japan sii xakumo muddo saddex sano oo kale ah.

Abe ayaa si fudud uga badiyay wasiirkii hore ee difaaca Japan Shigeru Ishiba doorashadi Khamiisti, kadib marki uu helay codad dhan 553 halka Ishiba uu helay 254 cod.

Haddii Shinzo Abe oo hadda ah 63 sano jir uu dhameysto teeramka soo socda, wuxuu noqon doonaa ra’isulwasaarihi ugu muddada dheeraa ee xakuma dalka Japan.

Waxaa hadda ah Ra’isulwasaarihi ugu xilliga dheeraa ee soo maamula Japan Taro Katsura oo Japan kasoo taliyay billowgii qarnigii 20-aad.

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM