Soomaali tukaan bilaash uga shaqeyn jiray oo Xildhibaanimo u tartamaya

Image

LONDON, UK – Wiil asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse qaatay dhalashada Ingiriiska ayaa haatan wuxuu u tartamayaa in uu noqdo Xildhibaan metala waqoyga magaaladda Cardiff ee dalkaasi.

Maxamed Cali ayaa isaga oo saddex sano jir ah tegay magaaladaasi ka tirsan gobolka Wales, kaddib markii uu kasoo qaxay colaadaha sokeeye ee ka qarxay waddankiisa hooyo ee uu ku dhashay.

Anna McMorrin, oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayey is-hayaan, kaasi oo uu doonaya in uu afka ciidda ugu darro coddeynta soo aadan, taasi oo kamid ah kuwa ugu xasaasisan doorashooyinka UK.

Wareysi siiyey warbaahino kala duwan ayuu Maxamed, oo ka tirsan xisbiga muxaafadka oo uu hogaamiyo Boris Johson, ku muujiyay rajo aad u balaaran oo uu ka qabo in uu labinta heli doono.

Inkasta oo xisbiga uu xubinta ka yahay lagu eedeeyo Islaam-naceyb, Maxamed oo waxbo kama jiraan ku tilmaamay taasi, wuxuu sheegayaa in cod-bixiyeyaasha looga baahan yahay in aysan taasi u dhutin.

"Xiriir wanaagsan ayaa la leeyahay dadka iyo gudoomiyaha. Wax naceyb ah boos ugama banaana xisbiga," ayuu yiri Maxamed, oo intaasi ku daray: "Waxaan xushmeyn doonan nooc walba oo dadka kamid ah".

Noloshiisa hore

Koonfurta magaaladda Cardiff, oo uu ku adkeystay in ay mar walba noqon doonto hoygiisa, ayaa waxaa ku barbaarisay hooyadii, taasoo uu ku tilmaamay mid "dulqaad u lahayd farqigii ay kusoo korisay".

"Hooyadeyd iyo awooweyaasheyda waxay ahaayeen kuwa aalaaba aad ii dhiirogelin jiray," ayuu ku daray hadalkiisa.

Xagaayadii ugu horeeyay ee uu ku noolaa cariga Britain, siyaasigan da'da yar, wuxuu ka shaqo bilaabay tukaan lagu iibiyo qalabka guryaha gaar ahaan armaajooyinka kuna yaala Loudoun Square.

Maamulaha mehradaasi oo uu si bilaash ah uga shaqeyn jiray ayaa waxaa lagu waramayaa in uu habeenkii Maxamed soo siin jiray cunooyin kala duwan si ay quutan isaga iyo qoyskiisa.

Wallow daruuf ku kaliftay uuna mar walba ku taahayey in uu ka bixi doono, shaqadiisa waxay ahayd in uu hagaajiyo (too-toosiyo) agabkaas.

Maxamed oo dib u xuusanaya noloshaasi adag ayaa qiray in hadii hooyadii aysan garab-istaagi lahayn uu waqtigiisa ku qaadan lahaa xabsi ama uu bukaan u noqon lahaa fal-dambiyeedyadda tooreyda.

"Wax kasta waa suurogal," ayuu ku jawaabay markii la waydiiyay in uu dhagta dhiiga u dari karo ninka la xifaaltamaya, isaga oo xusay "sheekooyinkeyga dhiirogelinta ah ayaan filayaa in ay dadka la ash-aqaraari doonan".

Waqti xaadirkan, saldhigiisa waa magaaladda caasimadda ah ee London, halkaasi oo booliska xarunta Boqortooyadda UK uu kala taliyo arrimaha ka hortaga wax loogu argagixisadda, wallow uusan wax lacag ku qaadan.

Isaga oo ah maareeye sarre oo dhanka xisaabaadka ah, haddana waxaa loo arkaa mid aad u taakuleeya dadka kale, waana mid kamid ah waxyaabaha taageerada badan ee uu haatan leeyahay ku muteystay.

Sikastaba ha ahaatee, hadii Maxamed uu kusoo baxo kursiga uu u han-qaltaagayo, waxa uu ku biiri doonaa liiska Soomaalida ka qaxday dalkooda ee xilalka sare ka qabtay wadamadii lagu soo dhaweeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM