Soomaali xil ka haya Finland oo "fadeexad" ay kusoo baxday

Image

HELSINKI, Finland – Shaqsi asal ahaan u dhashay Soomaaliya kaasoo jago muhiim ah ka haya dalka reer Yurub ee Finland ayaa wajahaya go'aan qaadasho ka dhan ah isaga markii ay kusoo baxday fadeexad.

Cabdiraxmaan "Husu" Xuseen ayaa waxaa ku cadaatay in uu sheeko been abuur ah ku jahwareeriyay bulshadda waddankaas.

Xuseen, oo qirtay in uu been sheegay, ayaa xubin ka ah Golaha Degaanka magaaladda caasimadda ah ee Helsinki.

Sheekadda oo Xuseen uu ku faafiyey baraha bulshadda ayaa ahayd in darawal gaari Taksi oo uu la socdey uu faquuqay isla markaana uu u sheegay in dib ugu laabto dalkiisa si uu u badbaadiyo.

Baaritaano iyo su'aallo waydiimo la hordhigay darawalka ayaa waxaa kasoo baxday in ay sheekadaas tahay waxbo kama jiraan.

Husu oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska Helsingin Sanomat ayaa yiri: "Markii aan soo bandhigayey sheekadda waan careysanaa".

Gudoonka Golaha Degaanka oo shir degdeg ah isugu yeeray mudaneyaasha ayaa talaabada Xuseen ku qeexay "mid meel ka dhac ah ku ah xilka uu hayo iyo kalsoonida cod-bixiyeyaasha".

"Waxaan raaligelin ka bixinayaan ficilka iyo beenta aan sheegay. Waxaan diyaar u ahay in aan qaato cawaaqibka iyo go’aan kasta oo ay gaaraan Guddiga Anshaxa ee Golaha," ayuu hadalkiisa ku daray Cabdiraxmaan.

Joornaalka Helsingin Sanomat ayaa tilmaamay in baaritaanka lagu saleeyay caddeymo ay kamid yihiin muuqaallo ay duubeen Kaamirooyinka qarsoon ee wadooyinka.

Dhacdadan ayaa noqotay mid kamid ah mawduucyadda loogu hadalheynta badan yahay Finland, waxaana aad isha loogu hayaa go’aanka ay Guddiga Anshaxa Golaha Degaanka ka qaataan ficilka uu sameeyay Xuseen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM