Dowladda Sri Lanka oo lacag ugu deeqday deyn cafinta Soomaaliya

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Dowlada Sri Lanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay ka qeyb-qaadaneyso ololaha deyn cafinta Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Bangiga Dhexe ee waddankaas ayaa sheegay in ay taageersan yihiin qaan-dhaafka dalka dhaca Geeska Afrika.

Sidda ay qortay saxaafadda maxaliga ah, deeqda ay Sri Lanka bixineyso ayaa gaareysa ku dhowaad saddex milyan oo Doolarka Mareykanka ah.

Lacagtaas ayaa lagu shubi doonaa Koontada Hay'adda Lacagta Aduunka IMF oo maamuleysa kaalmada deyn cafinta waddanka.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyaddoo dhowaan Guddiga sare ee IMF uu meelmariyey qorshaha maalgelinta deyn cafinta Soomaaliya.

Si lamid ah, go'aanka Sri Lanka ayaa imaanaya xili Bangiga Aduunka iyo IMF ay caddeeyeen in Soomaaliya u qalanto in deynta laga dhaafo.

Sikastaba, Soomaaliya ayaa lagu leeyahay in ka badan shan bilyan oo Doolar, waxaana hal bilyan oo kamid ah ku leh waddanka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sri Lanka oo xirtey askar u dhalatay dalkaas kuna biirtey milatariga Ruushka

Arrintan ayaa waxa ay kusoo hagaagtay maalin kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Hindiya uu afar qof lagu xiray kiis kan la mid ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 04:59PM

Pakistan: Sagaal qof oo time-jare ahaa oo toogasho lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo dhacay aroortii hore ee Khamiista maanta ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 08:04AM