Trump oo magacaabay lataliyihiisa cusub ee arrimaha amniga

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Arbacadda maanta ah waxa uu magacaabay lataliyihiisa cusub ee arrimaha ammaanka.

Robert C. O’Brien oo jagadaasi loo xushay ayaa wuxuu bedeli doonaa John Bolton. Trump wuxuu sheegay in uu eryay Bolton oo ku doodaya in uu is-casilay.

O’Brien, oo caan ka ah siyaasadda Mareykanka, ayaa wuxuu haatan yahay Ergayga gaarka ah ee Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha la xiriira Afduubka.

"Waxaan Robert lasoo shaqeeyay waqti dheer oo adag. Shaqo wanaagsan ayuu qaban doonaa," ayuu Twitter-ka soo dhigay Trump.

Magacaabida ayaa kusoo aadeysa iyadda oo O’Brien uu kamid ahaa shaqsiyaadka aadka loogu saadaalinayey in ay booskaasi qaban doonan.

Lataliyaha cusub ayaa waxa uu sidoo kale yahay qareen heer sarre ah, kaasi oo la shaqeeyay dowladda si madax banaana ugu xamaashay.

Warbaahinta caalamka iyo kuwa maxaliga ah ayaa tabineysa in Bolton iyo Trump ay isku qabteen arrimo ay kamid tahay wada hadaladda Taliban iyo xiisadda Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM