Weerar loo adeegsaday Toorey oo kordhiyey argagaxa Faransiiska

Image

PARIS, France – Saddex qof ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhinteen weerar loo adeegsaday Toorey oo Khamiista maanta ka dhacay afaafka kaniisadda Notre Dame ee magaalada Koonfurta dalka Faransiiska ku taala ee Nice.

Iyaddoo mid kamid ah dadka geeriyoodey oo ahayd haween la wariyey in la gowracay, tirro kale oo aan la cayimin way dhaawacmeen.

Mas'uuliyiinta waxay falkaas ku qeexeen mid "argagixiso"; taliska bileyska wuxuu wariyey in ay dhaawac ku qabteen ruuxii falkaan ka dambeeyay.

Ururo Islaami ah, madaxweyneyaal iyo hay’addo oo cambaareeyay weerarkan ayaa ku baaqay in la xormeeyo kala duwanaanta Diimaha.

Dhanka kale, askari ilaalo ka ahaa safaaradda Faransiiska ee magaaladda Sacuudiga ka tirsan ee Jidda ayaa lagu dhaawacay weerar loo adeegsaday Toorey. Qof la tuhusan yahay in uu geystay falkaas ayaa la xiray.

Mas'uuliyiinta waxay wariyeen in askariga loola cararay isbitaal. Dhacdadan waxay imaaneysaa xilli isla maanta gudaha France uu ka dhacay weerar lagu bireeyay saddex ruux, tirro kalana lagu dhaawacay.

Qulqulatooyinkan waxay ka dhasheen gef uu madaxweyne Emmanuel Macron kula kacay Diinta Islaamka iyo Nabi Maxamed [NNKH].

Macron oo warfidiyeenka la hadlay kadib dhacdooyinkii maanta ayaa shaaciyey in uu ciidamo dheeraad ah ku daabuli doono magaalooyinka waaweyn ee Faransiiska si uga hortagaan suurtagalnimada weeraro kale.

Miguel Angel Moratinos, madaxa Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka xagjirnimada oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa walaac ka muujiyey sawir-gacmeedyada laga sameeyay Nabi Maxamed NNKH.

Mas'uulkan oo caddeeyay sidda uu uga xun-yahay hadalada naceybka ku dhisan wuxuu carabka ku dhuftay in xorriyada hadalka iyo Diinta ay kala madax-banaan yihiin.

Wallow uusan soo qaadin madaxweynaha Faransiiska ee dhawaqiisa caradda iyo rabshadaha dhaliyey, muuqaalada laga sameeyay Rasuulka ayuu ku qeexay "ceebeyn aan loo dulqaadan karin".

Weeraradan maanta lasoo tabiyey ayaa argagax horleh ka abuuray guud ahaan Faransiiska oo heegan ugu jira sababo ku aadan Coronavirus, iyaddoo dunida oo idilna ay ka socdaan isu soo baxyo lagu cambaareynayo Macron.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zelensky oo codsaday in la difaaco si la mid ah Israa’iil

Ciidamada Ruushka ayaa mowjado cusub oo weeraro ah ku qaadaya bariga Ukraine.

  • Caalamka

    15-04-2024

  • 09:13AM

Israa’il oo la xaqiijiyay inay jawaab ka bixin doonto weerarkii Iran

Madaxweynaha Maraykanka ayaa wado dadaal lagu baajinayo weerarkaas.

  • Caalamka

    15-04-2024

  • 06:41AM