Dhaxal-suge Maxamed oo sameeyay qirasho ku saabsan dilkii Khashoggi

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya ayaa wuxuu sheegay in uu qaadanayo mas'uuliyada dilkii wariye Jamal Khashoggi ee sanadkii hore.

Sidda lagu sheegay barnaamij laga diyaariyey oo isbuuca dambe la baahin doono sababta ayaa ah "maadaama uu ku dhacay isaga oo kor-ka-ilaalinaya".

Maxamed bin Salman oo ah ninka ugu awooda badan Boqortooyadda ayaa nan si furan uga hadlin falkan tan io markii uu ka dhacay qunsulyadooda Istanbul.

Sirdoonka Mareykanka iyo dowlado reer Galbeed ah ayaa la sheegay in ay amarka bixiyeen. Balse Sacuudiga ayaa ku adkeystay in aysan kaalin ku lahayn.

Geerida oo caro caalami ah dhalisay ayaa waxyeeleysay sawirka Maxamed iyo dhaqaalaha Sacuudiga. Tan iyo xiligaas ma booqan Mareykanka ama Yurub.

"Wuxuu ku dhacay aniga oo dusha kala socda. Waxaan qaadanayaa dhamaan mas'uliyadda maxaa yeelay wuxuu dhacay aniga oo ilaalinaya," ayuu yiri.

Barnaamijka oo horudhaciisa [boorsamiindo] lasoo bandhigay ayaa la baahin doonaa 1-da bisha October, kahor sanad-guuradii koowad ee geerida Jamal.

Mar la waydiiyey hadii uu ogaa in dilka dhacayo ayaa dhaxal-sugaha waxaa laga soo xigtay: "Waxaan ka kooban nahay 20 milyan oo ruux. Waxaana leenahay saddex milyan oo shaqaale dowladeed ah.

Isaga oo mar kale ka fal-celinaya suurtogalnimadda in gacan ku dhiigleyaasha ay qaateen diyaarad gaar ah wuxuu yiri: "Waxaan leeyahay mas'uuliyiin, wasiiro la socda arrimaha. Iyagaa mas'uul ka ah. Awood ay ku sameeyaan way leeyihiin".

Jamal ayaa qunsulyadda u tegay si uu uga qaato warqaado guur ah. Dacwad-oogaha guud ee Sacuudiga ayaa sheegay in ku xigeenka madaxa sirdoonka uu bixiyey amarka ah in uu dib ugu soo laabto dalka.

Khashhoggi, oo galaan-gal ku lahaa qoyska boqortooyadda misana deganaa Mareykanka, ayaa noqday mucaarad aan la gamban fekerkiisa. Balse, taasi waxay soo dedejisay in la khaarijiyo kadibna jirkiisa gabal-gabal loo jarjaro.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in Saud al-Qahtani, lataliye hore oo qoyska boqortooyadda ah, kasoo macluumadka howlgalka lagu dilay Jamal bixiyey, ayaa gacan ku dhiigleyaasha amarka ku siiyey Skype-ka.

Laba iyo tobban la tuhunsan yahay ayaa maxkamad loosoo taagey shirqoolka. Balse dhageysiga kiiskooda ayaa yaraa. Warbixin kasoo baxday UN-ka ayaa soo jeedisay in la baaro dhagaxal-suge Maxamed iyo xubno kale.

Khashoggi, oo ahaa wariye ka tirsan Washington Post, ayaa markii ugu dambeysay ee lagu arkay qunsulyadda Sacuudiga ee Istanbul, taasoo haatan la iibiyey, waxay ahayd 2-da bishii October ee sanadkii 2018-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM

Ciidamada Soomaaliya oo sheegtay dilka 80 Al-Shabaab ah

Howlgallada ayaa lagu waramay in ciidamada Soomaaliya ay sameeyeen 24-kii saac ee la soo dhaafay.

  • Wararka

    27-12-2023

  • 03:35AM