Iiran oo ku hanjabtey in ay "saacad iyo bar ku burburineyso Yahuuda"

Image

TEHRAN, Iran – Xukuumadda Tehran ayaa hanjabaad kale oo culus waxay hawada u marisay waddanka Mareykanka iyo xulafadiisa Israa'iil.

Mojtaba Zolnour, oo ah Xildhibaan sare oo ka tirsan baarlamaanka Iiraan ayaa ka digay in Washington ay ku dhiirato in ay kusoo duusho dalkiisa.

Zolnour ayaa, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta, waxa uu carabka ku adkeeyay in ay cagta ku marin doonan Yahuuda.

"Hadii Mareykanka uu nasoo weeraro, waxaan saacad iyo bar ku burburin doonaa Israel," ayuu yiri mudanahaan.

Hadalkan ayaa wuxuu cirka sii gelinayaa xiisada Mareykanka iyo Iiraan, taasi oo salka ku haysa Khaliijka iyo Nuk-liyeerka.

Xiisadan oo bilooyinkii lasoo dhaafay sii karkareysay ayaa ka dambeysay markii dowladda Donald Trump ay ka baxdey heshiiska Nuk-liyeerka.

Baqdinta ku aadan in dagaal dhex-maro labada dhinac ayaa suurogelnimadeeda waxay sii xoogeysatay markii ay Iiraan soo riday diyaarad uu lahaa Mareykanka.

Trump oo meesha ka saarey dagaal, ayaa xaqiijiyey in uu baajiyey duulaan ka dhan ah Iiraan kadib falkaasi isaga oo qiil ka dhigtay "khasaaraha dhimasho ee ka dhalan kartey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM