Khan: Xorriyada hadalka looguma soo gamban karo gefka Nabi Maxamed

Image

MAKKA, Saudi Arabia – Ra'iisul Wasaaraha dalka Pakistan, Imran Khan, ayaa wuxuu si adag uga hadlay xadgudubyadda sanadihii u dambeeyay ee dadweynaha reer Galbeedka kula kacayeen Nabi Maxamed NNKH.

"Sidda uu isaga [Nabiga] ugu nool yahay quluubteena, waa in aan u sharaxnaa Reer Galbeedka in ay tahay mid sareysa iyo in ay na xanuunjineyso markay ku jees jeesayaan ama ay ku maadeysanayanaa Nabigeena barakeysan," ayuu yiri.

Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo uu ku canaantay in ay markay timaado ficilada noocaasi ah uusan talaabo qaadin ayuu ku booriyey in Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay kala xaajoodaan qadiyadani.

"Waxaan rabaa in aan fursadaan uga faa'ideysto in Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa iyo Midowga Yurub aan u sharaxno in xorriyada hadalka aan loogu soo ganban karin dhaawaca qalbiyadda 1.3 milyan oo ruux," ayuu raaciyey.

Mr Khan oo sii hadlaya ayaa ka dhiidhiyey dhacdooyinka Islaam naceybka ee dunida kusoo badanayay sanadihii lasoo dhaafay, isaga oo ku dhaleeceeyay reer Galbeedka in ay isku milaan argagixisinimada iyo Islaamka.

"Diinta ma ahan argagixisnimo. Diinna ma ogola in la dilo dad aan waxba galabsan. Tani ayaa keentay Islaam naceybka. Haatan dunida waxaa looga qeexaa argagixisada Islaamka-xagjirka ah," ayuu daba dhigay kalmadiisa.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday sida loo baahan yahay midnimada dowladaha Islaam-ka si loosoo afjaro meelna looga soo wadajeesto "falalka Islaam ka naceybka iyo Islaam-ka xagjirka ah".

"Waxaan metalnaa shucuub badan oo Muslimiin ah. OIC waa in ay doorkeedu qaadataa. Waa in aan kheyraad badan ku bixinayaa sidii aan gacanta sare u lahaan lahayn dhanka Tiknoolajiyada iyo Seyniska," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM