Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday in berri ay Ciid tahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa waxay ku dhawaaqday in ay berri Ciid tahay.

Wasaaradda ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku shaacisay in bisha laga arkay magaalooyin ka tirsan goboladda Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Sacuudiga, Imaaraadka, Indonesia, Malaysia iyo kuwa kale ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in berri oo Talaado ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul-Fitriga.

Ku dhawaaqistan oo soo daahdey ayaa timid iyadda oo shucuubta Muslimiinta ay si weyn ugu dheg-raaricinayeen shaacintani.

Bisha Soonfur ama Shawaal ayaa la sheegay in laga arkay magaaladda Tumair oo dhacda duleedka caasimadda Pakistan ee Islamabad.

Ciidul-Fitriga oo caadiyan ka kooban saddex maalmood ka kooban ayaa waxay u tahay Muslimiinta oo idil maalin farxadeed oo ay is-gudoonsiiyaan hadiyado.

Dhanka kale, maamulka sare Garowe Online, wuxuu akhristaayaasha ku taxan ee sharafta leh ugu hambalyeynayaa maalintan farxadeed, waxaana uu idin-leeyahay ku ciidda farxad iyo nabad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM