Dalka kaliya ee maanta looga dabaaldegay Ciidul Fidriga

Image

BAMAKO, Mali – Waddanka Mali ee Galbeedka Afrika ayaa wuxuu noqday midka kaliya ee maanta oo Isniin ah, 3-da Jun, looga dabaaldegay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Muslimiinta dalkaasi ku nool ayaa sheegay in bisha Soonfur ay arkeen Axadii 2-dii June, sidaasi awgeedna ay u fureen.

Salaadda ayaa waxaa laga oogay guud ahaan waddankaasi markii ay dowladda si rasmi ah ugu dhawaaqay dabaaldega sanadlaha ah.

Malijet, joornaal maxali ah, ayaa wuxuu soo bandhigay war-saxaafadeed dowlada kasoo baxay oo loogu hambalyeynayo dadweynaha.

Bayaanka oo kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ayaa lagu sheegay in bisha laga arkay qaybo kamid ah qarankaasi.

Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita, oo bulshadda fariin diray ayaa ku tartarsiiyey in ay ka shaqeeyaan nabada kana fogaadaan rabshadaha.

Dadka Mali ayaa Ramadanka waxay bilaabeen 5-tii May taasoo ka duwan shucuubta kale oo si rasmi ah u bilowday 6-da May ee sanadkan 2019.

Tani oo dad badan oo caalamka ku nool ay layaab ku noqotay ayaa imaaneysa iyadda qaar kamida dowladaha Islaam-ka ay ku howlan yihiin raadinta bisha Soonfur ama Shawaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM