XFS oo ka hadashay in Farmaajo-Kenyatta ay ku kulmayaan shirka QM

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku sugan Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeybgalayo meertada 74aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobay.

In ka badan 100 hogaamiyeyaal oo ka socda aduunka dacaladiisa kala gedisan ayaa kasoo muuqanaya madashaas oo lagu wado in ay Talaadada maanta ah si rasmi ah uga furanto magaalada New York.

Farmaajo ayaa khudbadiisa jeedinaya Khamiista 26-ka September, gaar ahaan inta u dhaxeysa 3-da illaa iyo afarta galabnimo. Wuxuuna noqonayaa qofka labaad ee maalintaas kalamdda leh, qadada kadib.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah, ayaa shaaca ka qaadey in madaxweynuhu kusoo qaadi doono kalmadiisa arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo musuq-maasuqa.

Dhinaca kale, Mr Cawad oo la kulmay dhigiisa Norway ayaa wuxuu kala hadlay arrimo quseeya sidii waddankaasi uu u sii xoojin lahaa taageeradda uu siiyo Soomaaliya ee nabad-gelyada iyo horumarinta.

Hogaamiyaha dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ayaa inta uu shirkaas socdo waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweyneyaal kala duwan, isaga oo waydiisanaya taageerida xukuumadiisa.

Wallow ay labadda dal xiisad dhextaala, wasiir Cawad oo la su'aallay suurtogalnimadda in ay kulmaan Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta, ayaa nan meesha ka saarin in ay tahay wax dhici kara.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeysa dacwad hortaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo ku aadan kiis taagan tan iyo 2014-kii oo ku saabsan goob hodan ku ah kheyraad oo xuduuda badda ku taala.

"…Balse, haatan ma jiro wax kulan oo qorsheysan," ayuu Cawad u sheegay barmaajika subaxnimo ee laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, markii su'aallo arrintaasi ku saabsan uu wariyuhu hordhigay.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa dhageysiga gal-dacwadeedkan dib u bilaabeysa horaanta bisha November ee sanadkan. Fadhigaas kadib ma jiri doonan kulamo kale, kaliya xukunka ayaa la sugi doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM

Ciidamada Soomaaliya oo sheegtay dilka 80 Al-Shabaab ah

Howlgallada ayaa lagu waramay in ciidamada Soomaaliya ay sameeyeen 24-kii saac ee la soo dhaafay.

  • Wararka

    27-12-2023

  • 03:35AM