Axmed Madoobe oo Weerar afka ah ku qaaday Madaxda Villa Somalia

Image

GAROOWE, Puntland - Hogaamiye-yaasha maamul goboleedyada dalka, ayaa maanta kulan uga furmay magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland, kaasi oo ah midkii 4aad oo Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Madaxwayne Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey shirka oo ay goobjoog yihiin Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland, ayaa sheegay in dowlada Federaalka aysan diyaar u ahayn in dalla la xorreeyo, ilsmarkaana la wiiqo Al-Shabaab.

"Dowladda waxay gabtay mas'uuliyadii ka saarneyd hogaaminta qorshaha amniga qaranka, waxaana tuhun nooga jira inay gorgortan kula jirto Al-Shabaab," ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa madaxda Villa Somalia ku eedeeyay inay "diideen" in maamulada kawada shaqeeyaan amniga guud ee dalka, iyadoo fulin waysay go'aanadii hore looga soo saarey shirarkii hore ee dhisamaha ciidamada iyo isku dhafkooda.

Axmed Madoobe ayaa daboolka ka qaaday in madaxda dowlada dhexe ay isbedal ku sameeyeen qodobo ay ku heshiiyeen gaar ahaan dhinacyadda doorashooyinka iyo wadaada Kheyraadka dalka, taasi oo uu xusay inay keentay khilaafka haatan taagan.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxwayne Farmaajo ayuu si toos ah farta ugu fiiqay Madaxwaynaha Jubaland inay ku mashquulsan yihiin doorashooyinka 2020 ee dalka iyo waliba mida dowlad goboleedyadda qaar oo bilooyin ay uga harsan yahay.

Mar uu si gaar ah u dul-istaagay doorashooyinka Jubbaland ayuu ku nuux-nuux saday Axmed Madoobe in aanu ku imaan doonin dib u dhac, isagoo balanqaaday inay ku dhici doonan waqtiga uu xeerinayo dastuurka dowlad goboleedkan.

Balse, Madaxwaynaha Jubbaland ayaa shaki geliyay in doorashada lagu wado inay noqoto inay dalka ka qabsoonto 2020-ka, taasi oo uu qorshuhu yahay inay noqoto qof iyo cod "lagu hungoobi karo" isaga oo sababta ku sheegay qaabka ay haatan udhaqmeyso dowlada oo uu xusay inay burbur ukeeni karto dalka, sida uu hadalka udhigay.

Axmed Madoobe ayaa xusay in nidaamka Federaalka kadib burburkii inuu noqon karo midka kaliya ee Soomaaliya lagu soo celin karo, laakiin dowlada hadda jirta ay ku dadaalayso inay meesha ka saarto Fedealism-ka.

Madaxwaynaha Jubbaland oo soo hadal-qaaday xudunta khilaafka maamulada iyo dowlada Federaalka inuu salka ku hayo qodobo masiiri ah, oo uu tibaaxay in madaxda dowlada dhexe ay doonayaan sidii ay sad-bursi ugu sameysan lahaayeen.

"Khilaafka dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ah, waxaa sal u ah; amniga wadanka, qaybsiga khayraadka, doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka, kuwaasi oo hadii aanan laga heshiisiin koox gaar ah aysan yeelan karin. Daraf gaar ahi iyo waxay iyaga doonayaan kuma maamuli karaan Soomaaliya oo dhan," ayuu Axmed Madoobe raaciyay.

Gabagabadii, Axmed Madoobe oo soo hadal-qaaday shirka maanta uga furmay magaalada Garoowe iyo qodobada lagu gorfeyn doono mudada uu socdo oo maalmo ah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay kasoo baxaan kuwa dan u ah dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM