Caleema-saarkii Deni oo isku soo dhaweeyay madaxda Somalia [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - 26-kii bishaan ayay ahayd markii ay hogaamiyeyaasha Soomaalida ay isagu tageen magaalada Garowe ee xarunta dowlada Puntland si ay uga qaybgaleen caleema saarka Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Marti sharaf kale oo ay kamid ahaayeen madaxwayneyaashii 7aad io 8aad ee dalka, Sheekh Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh Maxmuud, oo ay wehliyaan siyaasiyiin kale ayaa qayb ka ahaa xubnihii kasoo muuqday xaflada.

Waxay ahayd markii ugu horeysay taariikhda oo ay caasimad goboleedka Nugaal ay marti geliso madax intaas la eg oo kasoo muuqanaya caleema saarka Madaxwaynaha PL, oo dhidibada loo taagay bishii Agoosto 1998-dii.

Habeenkii munaasabada waxaa madasha la yimid iyada oo qof kasta oo Soomaaliyeed uu dhowrayo kalmadaha ay jeedinayaan siyaasiyiinta maadaama ay si wayn ukala aragti duwanaayeen.

Madaxda dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada qaarkood khilaaf ayaa udhaxeeyay, iyada oo ay intaas dheer-tahay siyaasiyiin ay kamid yihiin hogaamiyaashii hore ee dalka oo ku kacsanaa dowlada dhexe.

Balse – cilimada waa ay iska badashay sidii laga filayay – marti sharafta oo badankooda goobta ka hadlay waxay carabka ku adkeeyeen iyada oo ugu baaqay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-marin-waagooda.

Madaxwaynihii hore ee Puntland, ahna mudane ka tirsan Aqalka Sare, Senator Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ahaa marti sharafta ayaa sheegay inay PL diyaar u tahay inay ukala dab-qaado madaxda is-khilaafsan.

Habeenimadii xaflada kadib, isla subaxnimadii kulan quraac-sharafeed ah oo uu Madaxwayne Deni usameeyay martida intii ugu maqaamka sareysay waxay yeesheen kulan gaar ah, kaasi oo dabasocday baaqii munaasabada kasoo baxay.

Intaas wixii ka dambeeyay, kulamo gaar-gaar ah ayay yeesheen madaxwayneyaasha maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo uu ka socday Madaxwayne Farmaajo, kuwaasi oo gabagabadii kusoo idlaaday is-fahan.

Madaxwaynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo saxaafada uga warbixiyay kulamadaasi ayaa shaaciyay inuu Farmaajo soo jeediyay in kulan guud ay isugu yimaadaan madaxda bartamaha bisha Maarso ee sanadkaan.

Shirkaasi oo lagu xalinayo wixii tabasho ah ee jiray ayaa waxaa lagu qabanayaa caafimada PL ee Garowe, taasoo noqoneysa mid kamid ah guulihii ugu dambeeyay oo oo uu gaaro maamulkaan 20-sano jirka ah.

Tani macnaheedu waxa uu yahay in xafladii caleema saarka Madaxwayne Deni ay isku soo dhaweysay dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada, kuwaasi oo mudadii uu xafiiska joogay Cabdiwali Gaas uu khilaaf ka dhaxeeyay.

Puntland, oo hormuud u ah nidaamka Federaalka ah oo ay Soomaaliya qaadatay, ayaa ah maamulkii ugu horeeyay ee dalka ka unkamay, waxaana lagu qabtay shirar badan oo aayaha Umadda Soomaaliyeed looga hadlay.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID EE DENI:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM