DAAWO: Wasiir Gabax "Warqadda Madaxweynaha waxay ka hor imaanaysa Dastuurka"

Image

BOOSAASO, Puntland- Wasiir Ku-xgeenka hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Maxamuud Maxamed Gabax ayaa ka hadlay eedayntii Madaxweyne Gaas xilka uga qaaday ee ahayd musuqmaasuq.

Isagoo maanta shir jaraa’id ku qabanayay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, wuxuu sheegay inuu aad uga xunyahay qaabka loo maray xil ka qaadistiisa inkastoo uu sheegay inuu aqbalay.

“Madaxweynuhu waa Professor ah, waa fahmi karaa waxaan ka hadlyo!! Dhanka kale madaama wasiirka la magacaabo shaqo ka saaristiisu waa xil ka qaadis, ee maaha shaqo ka eryid,” Gabax ayaa sidaas sheegay.

Gabax wuxuu sharci darro ku tilmaamay qaabka Madaxweynuhu u maray xil ka qaadistiisa isagoo ku tilmaamay inuu hareer maray qodobka shaqaalaha iyo dastuurka Puntland intaba.

“Warqad madaxweynuhu waxay si toos ah uga hor imaanaysaa sharciga shaqada iyo shaqaalaha Law 5 iyo dastuurka, madaama ay sidaas tahay mudane madaxweyne dadkaasi waxay weli waxay ka tirsan yihiin wasaaradda kalluumaysiga, waana in xafiiskaagu dib u qoraa warqad raaligelin ah oo aad dib ugu saxayso khaladka sharci ee lagu sameeyey sharcigii shaqaalaha dawladda iyo dastuurka, haddii kale wareegtadayda waa dastuur jebin” ayuu yiri wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda Kalluumaysiga.

Wuxuu sidoo kale xusay in shaqaalihii lala erayay ay joogayaan wasaaradda maadama aan loo marin qaab sharci ah.

“Eedaynta lagu sheegay warqadda casilaada in xil ka qaadista loo cuskaday in nala ku helay fal danbiyeed musuq maasuqa, arrintaas waxba kama jiraan, waa been aan sal iyo raad toona lahayn, waa mid mgacayga iyo magaca shaqaalaha Wasaaradda lagu sharaf dilayo, waa shirqool iyo mu’amarad cad oo ka dhan ah sharafkayga shaqsiga ah, aqoontayda iyo kan shaqaalaha wasaaradda” ayuu yiri wasiirku.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamay Guddiga Madaxweynuhu u cuskaday inay baaritaan ku sameeyeen musuq-maasuq Wasaaradda, isagoo xusay inay jiraan hay’ado Dastuuri ah oo arrintaas dowladda u qaabilsan.

Gabax ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sababta keentay xil ka qaadistiisa, wuxuuna sheegay inay is-qabteen Wasiirka Wasaaradda Cabdirshiid Maxamed Xirsi oo uu ku tilmaamay shakhsi aan aqoon u lahayn shaqada loo igmaday iyo sidoo kale wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdulaahi Siciid Carshe (Dhaqaaje).

Hadalka Wasiirka ayaa yimid xilli shalay wareegto uu soo saaray Madaxweyne Gaas shaqadii looga cayriyay wasiir ku-xigeenkii wasaaradda Kalluumaysiga Agaasimihii guud ee wasaaradda, labo agaasime waaxeed iyo labo shaqaale ah, kuwaasoo uu ku eedeeyay musuq-maasuq.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dhammaan hay’adaha dowladda Puntland ka simanyihiin musuqmaasuqa ka jira dalka iyadoo aysan jirin cid la xisaabtanta oo wax ka qabata arrintan oo curyaamisay shaqooyinkii sida caddaaladda ah loogu qaban lahaa shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM