Deni oo ka hadlay magacaabida guddiga doorashooyinka Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbadiisa 1-da August wuxuu shaaca uga qaaday in dhowaan lasoo magacaabi doono Guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland.

Xubnaha guddiga oo ka kooban Sagaal ayaa shan kamid ah soo xulaya hogaamiyaha maamulkan, halka afarta ay soo saarayaan Golaha Wakiilada, waxaana ku dhawaaqeysa Madaxtooyada.

Deni oo tibaaxay in ay dhankooda gacanta ku hayaan mas'uuliyiinta cusub ayaa daboolka ka qaaday in ay ku war-celin doonan xeer-dejinta kana dalban doonan soo dadejinta xubnaha dhincooda ah.

"Waxaan soo magacaabi doonan guddi karti iyo xirfadba leh," ayuu madaxweynaha ka yiri Kulan-dadweyne oo su'aallo lagu waydiinayay oo habeenimadii Talaada ka qabsoomay Garowe.

Xubnihii guddigii hore ayaa xafiiska baneeyay kadib markii ay ku fashilmeen in ay Puntland ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah iyo in maamulkan u gudbo nidaamka dimoqraadiga ah.

"21 dii sano ee ay Puntland jirtay waxa qorshuhu ahaa bulshaduna ku taameysay in laga gudbo hannaanka doorasho ee qabaliga ah oo looga gudbo hannaan doorasho oo dimuquraadi ah oo muwaadin kasta oo Puntlandi ah dhiibto codkiisa si uu u doorto mas’uulka matalaya iyo madaxda heerarka kala duwan ee maamulka," ayuu Damaashaadka 1-da August iyo Madaxtooyada ka yiri.

Dowladii uu hogaamiyay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole baa isku dayday in ay hirgeliso nidaamkaasi, balse siyaasiiin ayaa ka hor-yimid, balse xukuumada cusub waxay balanqaaday in ay ka miro-dhalineyso.

"Inkastoo dadaal farabadan lagu bixiyey arrinkaas hadana maysan suurto gelin. Si aan korna ugu qaadno hammiga iyo hiigsiga dadka reer Puntland, waxaan gaarsiin doonaa dadkayaga in ay wakiiladooda golayaasha degaanka iyo baarlamaanka ku soo doortaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ah qof iyo cod. Taasi waxay xoojinaysaa dowladnimadeena iyo kalsoonida ka dhexaysa shacabka, wakiiladooda iyo madaxda sare ee dowladda," ayuu Deni raaciyey.

Qodobka 3aad ee Dastuurka Puntland oo ka hadlaya mabaadi'da asaasiga ah farqadiisa 3aad "R" ayaa adkeynaya in dalka laga hirgaliyo nidaamka xisbiyada badan laguna baahiyo goboladda oo dhan.

Sidoo kale, qodobka 46aad ee Dastuurka farqadiisa koowaad oo xeerinayo mid lamid arinkaas ayaa hadana waxaa uu sharaxaad buuxda uu ka bixinayaa sida loogu dhaqmayo nidaamkaas.

"Waxaan idiinku bishaareynayaa in si dhaqso ah aan kusoo dhisidoono Guddiga doorashooyinka Puntlnad. Waxaa naga go’an in Puntlnad aan gaarsiino hannaan doorasho oo qof iyo cod ah, taas oo kor u qaadaysa dadku inay helaan matalaad ay iyagu doorteen, waxaanna hubaa in dad badan oo ay ku jiraan dhalinyarada, haweenka iyo cid kasta oo ku dulman nidaamka qabaliga ah ay helidoonaan fursado lagu doort," ayuu daba dhigay.

Nidaamka awood qaybsiga beelaha ee ku dhisan 4.5 kaasi oo ay Puntland muddo kusoo dhaqmeysay ayaa iminka u muuqda mid uu ka jiro saluug badan iyo tabasho beeled soo if-baxday doorashadii u dambeysay.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM