Deni oo meesha ka saarey in iskaashiga cusub uu la xiriiro siyaasad

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa meesha ka saaray in Iskaashiga Saddex Geesood ah ee Puntland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle uu xiriir la leeyahay dano siyaasadeed.

Mr Deni ayaa shaaciyey in arrimaha ay ku heshiiyeen maamuladaasi xubinta ka ah dowlada federaalka ah ay tahay in ay iska kaashadaan dhinacyada amniga, horumarinta ganacsiga iyo xoojinta federaalka.

Hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadaan ayaa kulmay habeenimadii Axada kadib markii uu soo gabgaboobay Shirkii Garowe ee ay ku yeesheen madaxda dowlada federaalka iyo maamulada.

Intaasi waxaa wehlisay in wasiirada saddex maamul shirar gaar-gaar ah ay yeeshaan, kuwaasi oo ay ku xoojinayeen cilaaqaadka ka dhaxeeya, si kor loogu qaado adeegyada bulshada u baahan tahay.

Madaxweyne Deni oo qiray in HirShabelle ay saameyn xoog leh ku leedahay dhaqaalaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in hadafku Iskaashigaan uu yahay in dhinacna uusan khasaaro la kulmin.

"Puntland oo aad ugu dadaashay in uu qabsoomo shirkaasi waxay arkeysay in uu yahay mid saameyn toos ah iyo mid dadban ku leh nabad-gelyada Puntland – HirShabelle waa meelaha ugu badan ee uu ku xiran yahay isu socodka ganacsiga Puntland, gaar ahaan magaalada Beledweyne, oo xarun u ah meelaha badeecadaha dekada Boosaaso kasoo degaan lagu qaybiyo, sidoo kale xarun u ah meelaha xoolaha Boosaaso ka dhoofa kusoo uruuraan. Sidaad la socotaa dhaqaalaha Puntland waxaa saameyn ku yeeshaan dowladahaan dhismay iyo canshuuraha faraha badan ee soo korodhay, ganacsatada iyo dhibaatooyinka ka yimid oo ay dhici karto in labada dhinac ay ku khasaaraan," ayuu xusay.

Xukuumada cusub ee Puntland ayaa shaacisay in ahmiyada koowaad ay siineyso sidii loo sugi lahaa amaanka oo mudii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaas uu faraha ka baxay, ayna ku xoogeesteen Al-Shabaab iyo Daacish.

"HirShabelle iyo Koonfur Galbeed waxay kaloo saameyn ku leeyihiin amniga Puntland, sababtoo ah waxaa noo yimaada halkaan degan oo horumarka Puntland gaartay qayb ka ah, waxayna isugu jiraan dad xun iyo fiican. Mararka qaarkood waxaa dhacda inay kusoo degaan dad lasoo qalday ama Al-Shabaab ah in ay kusoo degaan. Falal amni daro ayay geystaan, markay Puntland talaabo ka qaadana uu yimaado dhawaaq ku saabsan in qofkaasi uu beri ahaa. Marka si aysan waxaasi u dhicin oo ay labada dowladood ka shaqeeyaan, is-kana kaashadaan ayaan ku heshiinay," ayuu xusay.

Is-afgaradyadda dhex-maray saddex maamul goboleed ayaa waxaa qayb ka ah in ay isku gacan-geliyaan dambiilayaasha si loogu qaado cadaaladda.

Wasiirada amniga HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa mudadii ay ku sugnaayeen degaanada Puntland waxay kormeereen saldhigyada ay ku xiran yihiin shaqsiyaad maamulkooda kasoo soo jeeda ee la tuhunsan yahay.

"Waxaanu ku heshiinay in aan iskala shaqeyno, amniga, ganacsiga iyo is-dhaafsiga khibradaha, Puntland maadaama ay tahay walaal ka wayn way ka go’an tahay in ay ku kaalmeyso maamuladaasi wax kasta oo ay awoodo," ayuu hadalkiisu daba dhigay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Hadalkaan kasoo yeeray hogaamiyaha maamulka 20-sano jirka ah ayaa waxay kusoo beegmayaa xili ay soo baxeen hadalheyn ku aadan in Puntland ay "go'doomisay" Jubbaland iyo Galmudug isla markaana ay cilaaqaad iyo isbaheysi cusub la yeelatay Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM