Deni: Puntland ma xukumi doono qof meel kale ka yimaada

Image

GAALKACYO, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horeysay wuxuu cadeeyay mowqifkiisa ku wajahan siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

Mr Deni oo ka hadlayay kormeer uu ku tegay qalab lagu dhisayo dekada Garacad ayaa daboolka ka qaaday in ay soo dhaweynayaan mucaaradka wax dhisaya.

Balse waxa uu cod dheer ku tilmaamay in xukuumadiisa aysan marnaba indhaha ka daawan doonin mucaarad ku howlan "dowlad dumin", ayna talaabo ka qaadeyso.

"Taasi ma ahan in aan kasoo horjeedno in ay jiraan dad naga aragti duwan. Balse, mucaaradnimo waa toosin. Laakiin, mucaarad dowlad dumin ah, ma oran doono shacabkaa iska qabanayeen, dowladdaa iska qabaneysa," ayuu xusay.

Cabashada ugu badan ee ka timaada bulshada ku nool degaanada kala duwan ee dowladda Puntland ayaa ah in wakiilada gobolada u jooga xukuumada aysan waajibooda u gudan sida ugu wanaagsan.

Deni oo arrintaasi dul istaagay ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu wax ka qaban doono isla markaana mas’uulkii qaban waaya shaqada shacabka u baahan yahay talaabo laga qaadi doono.

"Waxa la tabanaayo waan saxi doonaa, waxa khaldana waan hagaajin doonaa. Cidda dowlada mas’uulka u ah ee shaqadeeda gudan wayday, iyadana waan la xisaab-tameynaa," ayuu raaciyey.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu ku booriyay bulshada in ay la shaqeeyaan dowladda, isla markaana aysan dhag-jalaqsan u siinin shaqsiyaadka doonaya in ay sawir qaldan ka bixiyaa dowlada iyaga oo leh ujeedo gaar ah.

"Dalkaan [Puntland] dadkiisa ayaa iska leh cid dambo oo u imaaneyso ma jirto. Cid aan dadkiisa ahayn oo xukumeysa ma jirto. Nin meel kale jira ma xukumi doono, idinkana [shacabka waxaan la idin ka rabaa in aad u dhago nug-laataan oo aadan farta la idin kugu fiiqin mad-madow aan jirin," ayuu daba dhigay.

Hadalka kasoo yeeray hogaamiyaha maamulka laf-dhabarka u ah Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili uu socdaal ku marayo qaybo kamida gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM