Deni oo ayiday baaqa baarlamaanka Puntland ee shirka Muqdisho

Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa taageeray baaqii baarlamaanka Puntland kasoo saarey ka qeybgalka shirka uu madaxweyne Farmaajo ku casuumay madaxda dowlad goboleedyadda dalka.

Isagoo ka hadlayey xaflada xuska 1-da Luulyo oo caawa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, Deni ayaa si cad u sheegay in uu soo dhaweynayo go'aankaas isla markaana uu ku shaqeyn doono "talada" xeer-dejinta.

"Waxaan soo dhaweynayaan baaqii kasoo baxay baarlamaanka Puntland 29-ka bisha lixaad ee 2020, taladooda ayaan ku shaqeynayaan anigoo ixtiraamaya hay'addaha dastuuriga ah ee Puntland," ayuu Deni yiri.

Baaqa Golaha Wakiiladda Puntland ayaa ahaa in aan goleyaasha xukuumadda aysan ka qeybgelin Shirka Amniga Qaranka ee Farmaajo muddeeyay in uu Muqdisho ka qabsoomo 5-8 bisha Julaayo ee sanadkan 2020-ka.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay baarlamaanka, go'aankaas ayaa salka ku haya sharci-jebinta Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee meelmarinta xeerar baalmarsan dastuurka ku meelgaarka ah.

Xeerarka oo xudun u ah khilaafka siyaasadeed iyo midka ka taagan doorashooyinka 2020-21 ayaa kala ah; Asteynta kuraasta baarlamaanka, qoondada haweenka, metelaada gobolka Banaadir iyo gobolada waqooyi.

"Waa dalka laga joojiyo siyaasadaha danaha ku dhisan ee keenaya jahwareerka iyo kala fogaanshiyaha Umadda Soomaaliyeed," ayuu ku daray.

Deni oo ku adkeystay in ay muhiim tahay in doorashooyinka soo aadan ay waqtigooda ku dhacaan ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka in ay ka shaqeyn "wax dhaawici kara nabadda iyo midnimadda".

Intii uu ku guda jiray hadal-jeedinta munaasabada oo marti sharaf kala duwan ay kasoo qeybgaleen, si gaar ah madaxweyne Farmaajo ayuu xusuusiyey in uusan "si xun oo boor isku qarin ah uusan wax u doonin".

"Umadda Soomaaliyeed waxay Muqdisho siisay wixii ugu wanaagsanaa oo ah in magaala madaxdii noqoto, sidoo kale waxay ku sharfeen maqaam iyadda gaar u ah oo inta kale magaalooyinka Soomaaliyeed la wadaagin...Waxaan madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqayaa in uu iska ilaaliyo inuu boor isku qarin, oo uusan six un wax u doonin oo shacabka walaalaha ah iyo Xildhibaanadii fursadda uu madaxweynaha ku noqdey siiyey uusan iska hor-keenin, joojiyana falalka ragaadinaya dhismaha dowladnimadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeyso fashilinta qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2020-21," ayuu xusay.

Beesha Caalamka oo uu kaga mahadceliyey doorkooda dowlad dhisida Soomaaliya ayuu ku booriyey in aysan ku kadsoomin talaabooyinka marin-habaabinta ah ee madaxda dowladda federaalka ku dhaqmeyso.

"Waxaan ugu baaqayaa Beesha Caalamka gaar ahaan daneeyeyaasha Soomaaliya in ay gacan ka geystaan sidii lagu badbaadin lahaa geedi u socodka dowladnimada Soomaaliya oo ay halis ka muuqato oo aysan ku kadsoomin tilaabooyinka marin-habaabinta ah ee madaxda dowladda federaalka ah ku dhaqmeyso," ayuu madaxweynaha kusoo xiray hadal-jeedintiisa.

Hadalka Deni ee taageerada baaqa baarlamaanka Puntland ee shirka Muqdisho ayaa la macno ah in uusan maamulku ka qeybgeleyn kulankaas, arrintaas oo waji gabax ku noqoneyso Villa Soomaaliya kuna kordhineysa cadaadiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM