"Qaraxyadii Muqdisho iyo Kismaayo waxaa ka muuqaneysa laba gac-layn"

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa mar kale ka hadlay weeraradii ugu dambeeyay oo ay Al-Shabaab ka fulisay magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho, kuwaasi oo rayid galaaftay.

Dhacdadii xarunta gobolka Jubadda Hoose taasoo lagu beegsaday huteelka Cascasey oo ay shir ku lahaayeen Xildhibaano iyo Odayaal ayaa lagu khaarijiyey 30 ruux oo ay ku jiraan shaqsiyaad caan ah.

Qaraxii caasimadda dalka oo lagu ekeeyay xarunta dowladda Hoose gaar ahaan hoolka shirarka oo uu kulan uga socday mas’uuliyiinta gobolka ayaa lagu dilay todoba mas’uul, xili uu dhaawacmay duqa Muqdisho.

Deni oo tacsi u diray ehelada dadka geeriyooday, soo kabasho degdeg ahna u rajeeyay bukaanada ayaa sheegay in labadaasi dhacdo ay uga muuqato "laba gacleyn" taasi ah "in la fududeeyay".

Sababaha tuhunka keenay ayaa la sheegayaa in ay tahay amniga xarunta dowladda hoose aad loo adkeeyo, isla markaana ay jiraan goobo dhowr ah oo dadka lagu hubiyo kahor inta aysan gudaha u gelin.

"Waayadan ma tagin xarunta gobolka. Laakiin waxaa la ii sheegay in ammaanku aad u adkaa aysana ahayn meelaha sida sahlan loogeli karay. Waa calaamad khatar ah, meelihii sidaasi oo kale ah in la gaarayo," ayuu yiri.

Al-Shabaab oo qaraxaasi sheegatay ayaa tilmaamtay in hadafkooda uu ahaa wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan, kaasi oo dhismaha ka baxay daqiiqado kahor inta uusan qaraxu dhicin.

Xogo horudhac ah oo laga helay baaritaan socda ayaa tibaaxaya in weerarku ahaa uu is-miidaamin ay fulisay Haweenay aragga la' oo Cabdiraxmaan Eng Yariisow kala shaqeyn jirtay Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba.

"Dadkii wax la aamino hadii la garan waayo, waa nooc khatar ah oo dadkii rajo xumo ku abuureysa. Laakiin aniga waxaan aaminsahay hadii ilaahey ka dhigo, in wax laga baranaayo," ayuu raaciyey.

Duulaankii huteelka Kismaayo oo loo adeegsaday qarax gaari oo ay xigeen dabley gudaha dhismaha u daatay ayaa noqday midkii ugu dhimashada badnaa oo ay Al-Shabaab ka fulisay halkaasi tan iyo markii laga xoreeyay 2012-kii.

"Dhacdadaasi foosha xun oo dhacdooyinka mudooyinkii dambe Soomaalida ka dhex-dhacayey qayb ka ah. Taasi, tii ka horeysay iyo tii Kismaayaba waxaa muuqaneysa laba gac-layn horleh," ayuu xusay.

Wuxuu intaasi raaciyey: "Ilaahey umadda haka badbaadiyo makrigaasi ay soo maleegayan inta Soomaalida samaheeda aan jeclayn, oo meel walba ku jira oo dihan".

Sidda ay sheegeen xeel-dheereyaasha dhanka ammaanka, waa markii afaraad oo ay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ay qof dumar ah u adeegsato is-qarxinta oo mudooyinkii dambe soo badaneysa.

"Waxaan rajeynayaa in umadda Soomaaliyeed amniga u feejignaadan. Hadan dad Soomaali ah fududeyn way adkaaneysaa in waxay doonan ay fuliyaan," ayuu Deni ku daray.

In ka badan 50 ruux oo badankooda ah shacab ayaa ku naf-waayey weerar argagixiso oo ay dagaalameyaasha Al-Shabaab bishan July ka fuliyeen magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM