Faroole oo baaq adag kasoo saarey ciidanka DF ku daabushay Gedo

Image

GAROWE, Puntland – Dowlada Federaalka waa in ay faragelinta ka joojisaa Jubaland isla markaana ciidamada kasoo saartaa Gedo, sidda uu ku baaqay Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud [Faroole].

Hadalkaas ayuu mudanaha ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ka sheegay furitaanka Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa cod dheer ku sheegay in maamulka madaxweyne Axmed Madoobe uusan aqoonsi kaga baahneyn dowlada Farmaajo "maadaama dastuurka uu ictiraafsan yahay".

Isagoo hadalkiisa sii wata, Senator Faroole ayaa ku nuux-nuux saday ahmiyadda ay leedahay in lagu dhaqmo dastuurka ku meelgaarka ah.

"Maxaa lagu heshiinayaa? Waxaa lagu heshiinayaa sideedaba hal qodob oo federaal ah oo la jebiyey laguma heshiin karo. Waxyaabahaas maanta qaldan waxaa kamid ah faragelinta ciidan ee ka socota Gedo, mala aqbali karo. Waa in laga soo saaraa ciidamada gobolka Gedo, Jubaland waa in ay u madax-banaanaataa maamulkeeda, khilaaf hadii uu dhexdooda ka jiro iyagu ha dhameysteen, sidaas ayaan annagu ku talineynaa," ayuu caddeeyay.

Wuxuu raaciyey: "Ictiraaf uma baahna dastuurkaa ictiraafey qodobka 120 baa ictiraafey waa in la aqbalaa baa ka dhiman, aqbala".

Dhanka kale, xili uu ku taliyey in la dhameeyo arrimaha harsan, Faroole ayaa soo jeediyey in la aqbalo natiijadda doorashadii madaxtinimada Galmudug.

Puntland ayuu carabka ku dhuftay in aysan qayb ka ahayn war-saxaafadeedka hogaankii Ahlu Sunna soo saarey markii ay socdaal ku tageen magaalada caasimada ah ee Garowe.

Ahlu Sunna ayaa looga adkaaday siyaasadda Galmudug, waxaana xaruntoodii INJI la wareegay maamulka uu hogaamiyaha ka yahay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo xukuumadda Khayre ka tirsanaa.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa la wariyey in ay weerar ku tahay dhamaan maamul goboleedyadda aragti ahaan kasoo horjeeda, iyaddoo damacsan in ay ka hirgeliso halkaas hogaamiyeyaal taabacsan.

MUUQAALKA FAROOLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM