Faroole oo tallooyin ku biiriyey qabyo tirka Dastuurka iyo wada hadalka SL

Image

GAROWE, Puntland – Senator Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay hanaanka lagu wado ku-meel-gaar ka saarida dastuurka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay, wallow uu saluug ka muujiyey in aanan la raacin habraacii saxda ahaa.

Habraaca ayaa sida uu xeerinayo dastuurka qabyadda ah waxa uu yahay in geedi u socodka ay kawada qeybgalaan xubno ka socda maamulada, dowlada federaalka ah iyo guddi madax banaan.

Wakiilada dowlad goboleedyadda oo soo diyaarinaya qodobada wax ka bedelka ama lagu soo darayo dastuurka ayaa kadib u gudbinaya xubnaha baarlamaanka federaalka oo tafaftir kadib horgeynayana xeer-dejinta.

Balse nidaamkan ayaa haatan meesha ka maqan, waxaana kaliya shaqada haya xubnaha baarlamaanka federaalka, oo todobaadkii hore hoyga uu ka degan yahay Garowe ugu tegay Senator Faroole kadibna tallooyin kasoo qaatey.

"Shan bilood iyo hal-sanoo dambaa haray wadankana dastuur la’aan ma ahaan karo, waa loo baahan yahay. Dastuurkana dhameystirkiisa shuruuduu lahaayoo," ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladda Puntland.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku waaniyey xubnahan in ay ka shaqeeyaan sidii mudada u hartay ay ugu soo biirin lahaayeen geedi u socodka wakiiladda dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Faroole oo sii hadlaya ayaa raaciyey: "Koley meel fiican baad wax marineysaa sidaa ii sheegteen, [laakiin] hadaad iska wadaan oo kolba madax darbiga ku dhufataa, mushkiladeedee leedahay".

Marka laga soo gudbo caqabadaasi, waxaa jirta mid kale oo hortaagan dhameystirka dastuurka, taasi oo ah kaalinta Somaliland oo madax banaani sheegata tan iyo 1991-dii, wallow aysan aqoonsi helin.

"Waxaan kaloo ku talin lahaa, dastuurkan ku meel gaarkiisa waa iska bateen, in uusan ku meel gaar kale noqon, waa in la dhameeyaa, taladeyda odaynimo waa in la dhameeyo wada hadalkii [Somaliland]," ayuu raaciyay.

Ugu dambeyntii, mid kamid ah aasaaseyaashii Puntland ayaa wuxuu soo jeediyay in xubnaha wada hadalka ku metelaya dhanka dowlada federaalka ay noqdaan kuwa waayo aragnimo iyo aqoon badan leh.

"Waxaa aad looga sheeganayaa guddiga ay loo magacaabey wada hadalka, dowladda federaalka iyadaa iska talaabsata cidna lama tashato, waa in la helo cid u qalanta iyo farsamo aad looga baaran dagay," ayuu kusoo xiray.

Wada halada dowlada federaalka iyo Somaliland oo hakad ku jira tan 2011-kii ayaa markii ugu dambeysay waxaa lagu qabtay dalka Turkiga, wallow aysan kasoo bixin natiijo dhabaha u xaartay in dib la isugu soo laabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM