Gaas oo u suurta-geliwayday inuu khudbad ka jeediyo barxada Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaaday ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] ayaa maanta oo Khamiis ah dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, kadib socdaal maalmood qaatey oo uu ku tegay dalka Kenya.

Gaas, oo caasimad goboleedka Nugaal ka dhoofay wax yar kadib markii uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax Madaxwayne 18-kii bishaan December, ayaan kala kulmin shacabka Garowe soo dhawayntii uu ka filiyay.

Sida laga soo xigtay kooxda qaban-qaabada soo dhawayntiisa, Gaas waxuu qorsheeyay inuu shacabka kula hadlo Barxada Garowe, taasi oo looga bartay marka uu ka yimaado safarada dibada ah.

Balse, taasi ma aysan u suurtagelin maanta, waxayna timid markii shacabka ay kala hor-tageen dibad-bax iyo buuq hareeyay guud ahaan halkii uu Madaxwaynuhu rajeynayay inuu hadal-jeedin ka sameeyo.

Dadka ku mudaharaadey Gaas ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Madaxweynaha, kaasi oo ku guuldareystay inuu fuliyo balan-qaadyadii uu sameeyay markii la doortay Shan sano kahor oo ay kamid tahay doorasho qof iyo cod ah.

Madaxwayne Gaas ayaa markii uu arkay in shacabku aanu u haylaneen hadal-jeedintiisa ayuu u gudbay dhinaca Madaxtooyada halkaasi oo warbaahinta kula hadlay, isagoo muujiyay damac kaga jira in dib loo doorto.

Dhanka kale, Gaas ayaanan usoo bandhigin shacabka Puntland markii uu ka hadlayay Shirkii jaraa'id ee uu maanta qabtey ujeedka safarkiisa Nairobi, ee mudada illaa shanta maalmood ku maqnaa.

Warar ayaa sheegay inuu Madaxweynaha dhaqaale u raadsadey doorashadiisa, maadaama uu mar labaada u tartamayo kursiga uu shantii maalmood ee lasoo dhaafey ku fadhiyay, iyadoo uu ku fashilmay amniga, xorreynta deegaanada ka maqan Puntland iyo inuu dhameystiro hanaanka dimuqraadiyeynta oo uu soo billaabey maamulkii isaga ka horeeyay.

Tiradii ugu badneyd oo Mushariixiin ah ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland 8-da January ee 2019, iyadoo Cabdiweli Gaas oo horey u lumiyay taageeradda iyo kalsoonida shacabka la sheegay in rajadiisa ay aad u hooseyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM