Hagaanka Puntland oo kala qeybsamay kahor doorashada

Image

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa wajahaysa xilligan kala qeyb-sanaan dhanka hogaanka sare, oo noqonaysa midii ugu xumeyd taariikhda maamulkan tan iyo markii la aas-aasay 1998.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cumar [Camey] ayaa difaacay go’aanka uu kusoo saarey Guddiga xalinta Khilaafka saacado kadib markii uu Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaday ee Gaas, uu isana Guddi maagcaabey.

Camey ayaa fahfaahin dheeri ah ka bixiyay sababaha ku kalifay inuu talaabadani qaado isaga oo geesta kale meesha ka saarey inay jiraan dano siyaasadeed oo uu ka leeyahay xili uu ku tilmaamay mid dan u ah shacabka reer Puntland.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sababaha ugu waawayn ku sheegay wadatashi la’aan iyo xubin ka tirsan shaqaalaha dowladda oo ku jira Guddiga uu soo saarey Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

“Cida awooda leh kuma qorna Dastuurka…Balse, go’aanka Gaas wuxuu baal-marsan yahay habraaca…Lagama tashan Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxwayne ku xigeenka..iyo Shaqaale dowladeed baa ku jira,” ayuu yiri.

Gaas ayuu ku eedeeyay inuu ka dhago fureystay baaqyo uga yimid dhinacyo kala duwan oo ku aadan xal ka duwan midka uu Camey ku dhaqaaqay oo ah inuu soo magacaabay Guddi xalinta khilaafaadka.

“Madaxwaynuhu wuxuu doonayaa inuu soo dhisto Guddi isaga u adeega,” ayuu Camey ku yiri inta uu ka hadlay mawduuca xili uu wareysi siiyay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Go’aan qaadashada Camey ayaa timid xili uu marar badan gaar ahaan intii lagu guda jira kala guurka uu ka hor-yimid go’aano badan oo uu Gaas qaatay, xili uu Gollaha Iskaashiga maamulada kala saftay dowlada dhexe.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa meesha ka saarey si lamid ah in dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku lug-leedahay mowqifkiisa, isaga oo tibaaxay “inaanu jirin naas-nuujin gaar ah”.

“Inay qaldan yihiin [Maamul goboleedyadda] way iska cadeed, waxaana arkayay Shacabka Soomaaliyeed, balse haba yaraatee tani kuma lug lahan,” ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxwayne ku xigeenka.

Gabagabadii, Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey oo aanan wali shaacin hadii uu murashax uyahay xilka Madaxwaynaha ayaa qad-xagaaran siiyay, inkasta oo uu geesta kale muujiyay suurtagalnimada inuu Madaxwayne ku xigeen u tartamo.

Murashariin badan, oo uu kamid yahay wasiirkii hore ee Maaliyadda, Faarax Cali Shire ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha doorashada January 8, 2019. Puntland ayaa dhacaysay doorashooyin nabdoon tan iyo aas-aaskeedii 20 sano kahor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM