​Howlgallo kasocda magaalada Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Howlgal xoogan ayaa laga billaabay magaalo madaxda Puntland ee Garowe kaasoo lagu xaqiijinayo amniga caasumadda kadib markii muddooyinkii dambe u muuqatay mid nabad-galyadeedu ka hoos martay qaabkii hore.

Amar kasoo baxay madaxda Puntland ayaa saarakiisha ammaanka gaar ahaa Kumaandoosta iyo PSF-ta lagu faray inay xaqiijiyaan ammaanka caasumadda waqti kooban islamarkaana gacanta kusoo dhigaan hubka sida sharciga ka baxsan loogu dhex wato magaalada.

Maamulka gobolka Nugal ayaa 17 Augusto, 2016 ku dhawaaqay inay magaalada la keenay ciidamo badan kuwaasoo la dhoobay waddooyinka muhiimka ah kuwaasoo samaynaya baaritaano kala duwan oo taabanaya shacabka iyo guryahooda.

Garowe ayaa caawa ka duwanayd sidii hore waxaana la arkayay ciidamo badan oo laamiga iyo waddooyinka ku baaraya dadka islamarkaan baabuurta ka fiiqaya bacaha madow ee loo yaqaano Beersoolka.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in inta howlgalku socday la xir-xiray Askar wadatay dareeska ciidamada kuwaasoo la sheegay inay quryaha lasoo galeen magaalada xilli aysan shaqo hayn.

Dhawr qof ayaa intii ciidamadu ku jireen howshan soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Baaritaano caynkan ayaa sidoo kale kasocda magaalooyinka Qardho iyo Bosaso ee gobollada Karkaar iyo Bari.

Qaar kamid ah saraakiisha howgalka ku jirta oo la hadashay GO ayaa xusay inaysan jirin howl siyaado ah, balse gudanayaal shaqooyinkoodii wajibka ah, waxayna intaasi ku dareen in howgalladan noqon doonaan kuwo loo sameeyo qaab joogto ah.

Arrintan ayaa timi maalin kadib markii madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas isugu yeeray saraakiisha Booliiska islamarkaana shir kula qaatay xarunta madaxtooyada isagoo kala hadlay sida amniga gacanta loogu qaban lahaa.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Puntland shirka Muqdishu kadib uu ku soo wajahan yahay Madaxweynaha xilka uu ka dhacayo horaanta Bisha soo socota magaalooyinka Puntiand.

Imaanshaha Xasan Sheekh ee xiligaan hadii sida lansheegey u dhacdo ayaa waxaa loo qaadanaya in ololihiisa dib u doorasho ku jiro taasoo Ka dhigeysa inuu gacan Ka helayo madaxda Puntland.

Horaantii Bishan ayay aheyd markii uu Xasan Shiikh si kadis ah uga dagay caasimadda is-maamulka Somalida Ethiopia halkasoo loogu qabtey xaflado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM