Madaxweyne Deni oo ka hadlay shaqsiyaadkii lagu xiray Boosaaso

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay ilaalinta nidaamka dowliga ah iyo ku dhaqanka dastuurka waxa uu ka qabo lacaga ay DFS marinhaabinayso ee aan waafaqsanayn xeerka maaliyadeed ee dalka iyo kan Puntland-ba.

"Doodda oranaysa Marka DFS Puntland lacagsiinayso sidee u siinaysaa? Waxaan rabaa in la fiiriyo xeerka maaliyadda Soomaaliya iyo kan Puntland-ba waxa ay ka qabaan, waa iga baraarujin in xeerarka sida ay yihiin la fiiriyo, marka ladoonayo wax isku xidhan oo meelo badan u baahan in laga eego.

"DFS waxaan ka codsanaynaa inay xaqiijiso waxa New York times qorayso oo ah maqaal oo looga hadlaayo waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya oo loosoo qaatay falal ka dhacay Boosaaso, iskuday iyo dilkii loo geystey maareeyihii shirkadda DPWorld, waxaan ka codsanayaa goleyaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xukuumaddaba in arrintaasi baadhitaan dhaba lagu sameeyo ma oranaayo waa xaqiiqadii ugu dambaysey, lakiin waxay abuurtay tuhun dadka qaarkiis ay qabeen in falal badan oo xasiloonida lagu dhaawacaayo in meelo ka baxsan Puntland laga soo maleegaayo oo wejiyo kale loo yeelayo, waxaan aad u codsanayaa in baadhitaan dhaba lagu sameeyo". Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxa uu hoosta ka xariiqay in DFS si badheedha u deedey inay ka qayb qaadato dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, sida Dekedda Garacad iyo balaadhinta Dekedda Boosaaso.

"Dowladda Puntland waxay marar badan weliba xukuumaddii iga horaysey ka codsatay mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha ah inay gacan ka siiso, waxaa kamid ah dhismaha ay shacabka iyo dowladda Puntland isugu tageen, kaasi oo ah dhismaha dekedda Garacad oo aad looga codsaday DFS inay gacan uga geysato qoraalo taageeraya dhismaheeda".

Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu diidey inuu dhagax dhigo dekedda oo tago Garacad, waxaa laga waayey garab si maalgashadayaashu ay u dareemaan in dowladdoodu ay garabtaagan tahay Puntland, waxay DFS si cad u diidey balaadhinta dekedda Boosaaso, waxay diidey inay siiso aqoonsi DPworld si ay u fuliso dhismaha, haddana waxaaba usii dheeraaday waxay New York times qorayso oo iyana u baahan in dib loo eego" Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay marinhabaabinta iyo iska horkeenka ay Xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ku waddo Puntland, Isla markaana ay ku khaldayso dhallinyarada si ay u baalmaraan sharciga iyo kala dambaynta. Madaxweynaha ayaa ka hadlay qaybsiga khayraadka dalka ee loo maamulay sida qaldan.

"Waxaa intaasi barbar socota in aad shacabkeenii iyo dhallinyaradeenii loogu waalayo 100kun,150kun oo aad ogtihiin waxa ay dhisikarto oo idinkuna aad makhraanti ka tihiin oo ay masuuliyiin leeyihiin maxaa loo diidaayaa?, waxa aan diidaynaa waa jebinta dastuurka, waxaan diidaynaa waxa weeye ku dhaqan la'aanta xeerarka Maaliyadda dalka, waxaan ka hadlaynaa waxa weeye inay cadaadaan qaybsiga Khayraadka dalka habka la raacayo, Puntland waxay diyaar u tahay in qaybta ugu badan ay qaataan walaalaheena mudada dheer dhibaatada kusoo jirey si ay usoo baxaan"

"Lakiin waxaan rabnaa waxa aan leenahay inay tahay wax suntan oo aan naqaan oo aan qorsheheena ku darsano, waxaa nasiib daro ah lacago ay qoreen inaan la garanayn meel ay ku bexeen, waxaan si nasteexo leh u oranayaa waxa aad qoraysaan inay xaqiiqo ku dhisnaadaan waa muhiim" Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dhismaha wadada halbowlaha ah ee isku xirta dalka iyo
mashaariic horumarineed oo kale, kuwaasi oo ka socda Puntland, kuwana bilawyihiin.

"Maanta waxaa magaalada Garoowe ka baxay wefti ka kooban shirkadda CCECC, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Hay'adda Waddooyinka Puntland waxaan ka codsanay Shirkadda CCECC in ay naga caawiyaan oo si deg deg ah noola dhisaan wadooyinka go'ay, waxaan rajaynayaa marka kormeerkaasi dhamaado in sida ugu dhakhsaha badan fursaddaasi u hirgasho".

"Waxaa ku baxaya waa Malaayiin doolar oo ay nagala qayb qaadanayaan, deyntoodana aan iska bixindoono, waxaa kaloo in taasi dheer in wadada Eyl iyo Garoowe dhowaan bilaabandoonto. Waxaa sidoo kaleeto doodheer kadib ku guulaysanay dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacayo". Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay eedaysanayaasha dhowaan lagu xidhay Boosaaso, Madaxweynuhu waxa uu xusay in sharcigu cidkasta ka weyneyn yahay.

"Waxaan ka xumahay dadka haldoor ka ah, oo waxbadan oo isxilqaana dalkan kasoo qabtay oo aan ogahay inay daacad yihiin, kana shaqeeya tabarucaadka, lakiin siyaasaddu waa caalam kale oo dhib badan, marka sabarka hore aad akhriso oo midka hoos ku jira aad akhrinwayso qofkii kuu akhrinlahaa oo waxkaa sixilahaana aad diido waa dhibaato".

"Waxa aan ka shaqaynaynaa waa wax danta Puntland iyo tan Soomaaliya ah, waxaan aad uga xumahay dadka akhyaarta ah oo qayb badan saaxiibaday tahay oo lagu xidhay Boosasso, laakiin hadana waxaan ku kalsoonahay oo iyaguna aan rajaynayaa inay ku kalsoonaadaan sharciga, kala dambaynta, dowladnimada, nidaamka iyo waajibaadka Puntland inaan ilaalino, waayo sharcigu cidkasta sagaa ka weyn". Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

MUUQAALKA DENI

Puntland State House

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM