Madaxweyne Deni oo la kulmay ururka MAP iyo guddiga maamulayaasha Warbaahinta

Image
GAROWE, Puntland - Gudoomiyaha ururka warbaahinta Puntland ee MAP Maxamed Daahir Caynsane iyo Guddiga Maamulayaasha warbaahinta Madaxa banaan ayaa caawa la kulmay Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.
 
MAP ayaa u gudbisay Madaxweynaha qodobo dhowr ah oo ka soo baxay warbaahinta Puntland:-
 
1- Muhiimadda ay leedahay dhaqan gelinta xaqa helida xogta (Access to information). 
 
2- Xoojinta xiriirka warbaahinta iyo dowladda.
 
3- Badqabka suxufiyiinta Puntland iyo baahida loo qabo in mas’uuliyadd ay dowladdu iska saarto dabagalka iyo baaritaanka kiisaska wariyaasha la xiriira.
 
Kulankaan ayaa ku soo dhamaadey Jawi is- afgarsho iyadoo Madaxweyne Dani xoojiyey muhuumada saxaafada Xorta ah u leedahay hurumarka Puntland.
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM