Madaxweyne Gaas oo u dhoofay magaalada Muqdisho [ Dhageyso]

Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa galabta u dhoofay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaasoo uu ka furmi doono shir u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Madaxweyne Gaas oo ka duulayay Garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir, ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la xariiro ka qayb galka shirka looga hadlayo ammaanka dalka iyo dhismaha ciidamada qaranka.

"Waxaan Galabta udhoofayaa Magaalada Muqdisho oo aan kaga qayb-gelidoono shirkii Amniga Qaranka oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dawladaha xubnaha ka ah DF Soomaaliya, shirkaas oo qaadan doonaa muddo laba maalmood ah, waxaana looga hadli doonaa hawlo Laxiriira amniga Qaranka insha alhaah intaa kadib waxaan kusoo laaban doonaa Caasimadda Puntland ee Garoowe." ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Isagoo sii hadlaya Madaxweynaha Puntland wuxuu hadalkiisa ku daray, "Waxaan rajaynayaa in aan amnigeena iyo nabd-gelyadeena sii kobcino guul iyo khayr ayaan rajaynayaa inshaa allaah."

Socdaalka Gaas ayaa yimid xilli xiisad u dhaxaysa maamullada Puntland iyo Somaliland ay ka taagantahay deegaanka Tukaraq. Lama oga in shirkaas looga hadli doono inkastoo ay fashilmeen dedaalo horay ay u sameeyeen xubno ka socda beesha caalamka.

Dowlada Federaalka ayaa si cad uga hadlin weerarka Somailand ku soo qabsatey Tuulada Tukaraq oo xarun Cashuur qaadis u aheyd Puntland. Maamulka Muuse Biixi ayaa isagu iska ilaaliya in magaca Puntland soo hadal qaado isaga oo eedymaha uu jeedinayo dusha uga tuura dowlada Federaalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa safarkaan aadey xilli ciidamada Puntlnad la soo dhoobey duleedka tuulada Tukaraq iyadoo aysan muuqan wax wadahdalka ah ee u dhexeeya labada maamul iyo cid ka dhexwada.

Gaas ayaa tan iyo xilka qabtey ay yartahay in arimo shaqo oo ka taagan Puntland uga baaqsado kulamada ka dhaca magaalada Muqdisho isaga oo aan jecleyn inuu u wakiisho ku xigeenkiisa ama madaxda kale ee dowlada. 

Shirkan ayaa wajigiisii hore waxaa la qabtay sannadkii hore, waxaana lagu soo beegay xilli la qorshaynayo in amniga Soomaaliga lagu wareejiyo ciidamo dalku leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM