​Madaxweynihii hore Puntland General Cadde muuse oo geeriyooda

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynihii hore Puntland General Maxamud Muuse Xirsi (Cadde), ayaa ku geeriyooday dalka Isutagga Imaaraadka Carabta sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelkiisa.

Cadde Muuse, oo muddooyinkii dambe dalkaas ku noolaa ayaa la sheegay in geeridiisu timid kadib caafimaad darro haysay maalmahan.

"Allaha u naxariisto Cadde Muuse wuu geeriyooday, wuxuuna ku dhinta magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka, waa uu xanuunsanaa muddooyinkii dambe, balse cimrigiisa ayaa waqtigan ku ekaa, waxaana EBBE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo," Sidaas waxaa GO u sheegay mid kamid ah ehelkiisa.

Marxuumka oo taariikh dheer ku leh dalka Somalia islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabtay, ayaa Puntland kasoo talinayay January 8, 2005 ilaa January 8, 2009 markaas oo xilka kala wareegay Cabdiraxmaan Farole.

Maamulka, tifaftirayaasha iyo shaqaalaha Garowe Online, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo shacabka Somaliyeed ee uu ka baxay marxuumku anagoo ALLE u weydiinayna uu ka waraabiyo naxariistii Janno.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM