Musharax Deni oo banaanka soo dhigay fashilka Xukuumadda Gaas [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Musharax Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay fashilka xukuumadda waqtigu ka dhamaaday ee Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas], taasoo shantii sano ee ay jirtay ku guuldareysatay fulinta balan-qaadyadii ay sameysay.

Deni ayaa daboolka ka qaaday in Gaas uu ku fashilmay arrimaha siyaasada, amniga iyo arrimaha bulshadda, isaga oo hoosta ka xariiqay in Puntland ay ubaahan tahay isbedal hogaanka doorashadda fooda nagu soo haysay.

Musharaxa ayaa farta ku fiiqay in musuq-maasuq baahsan uu hareeyay hay’addaha dowlada gaar ahaan Wasaaraddaha, islamarkaana Gaas uu dano siyaasadeed oo gaar ah u adeegsado maaliyadda maamulkaan.

Sidoo kale, Deni ayaa tibaaxay in musuqa oo gaarey heerkii ugu sareeyay mudadii uu jiray maamulka Cabdiweli Gaas oo ay dhabaha u xaartay in mushaar la’aan baahsan soo food-saarto ciidamada iyo shaqaalaha dowlada Puntland.

“Waxaa nasiib daro ah shantii sano ee lasoo dhaafay dowladda Madaxwayne Gaas inuusan ku guuleysan inuu horumariyo maamulkii dowliyeed..Waxaan ognahay inay xiran yihiin wasaaradihii dowladeed..Waxaan la soconaa in shaqooyinkii wasaaradaha la hoos-geeyay Madaxtooyadda..Waxaan ognahay in mashruucii soo baxa meel gaar ah loo leexiyo..Waxaa kor-ukacay musuq-maasuqii, waxaa muuqata mushaar la’aantii, waxaa kala daatay ciidamadii..waxaa la hun-guriyeeyay midniamdii Puntland, waxaa lagu soo xad-gudbay xuduudii dalka…Waxaas oo dhan waxaa salka dhig u ah hogaanka maanta oo jooga oo ubaahan isbedal, shacabka Puntland meel kasta oo ay joogaan shucuubtaasi waa ay muujiyaan, waxaan rajaynayaa inay shaqayso doonista dadku,” ayuu yiri Musharax Deni.

Garoowe waxyaabaha caanka ku tahay waxaa kamid ah in shacabku ay helaan biyo nadiif ah, balse wasiirkii hore ee Qorshaynta haaatana ah musharax ayaa carabka ku dhuftay in xukuumadda hadda jirta ay caqabad ku noqotay sidii looga bixi lahaa.

Midowga Yurub ayaa dhaqaalo dhan 23 milyan oo Yuuroo u qoon-deeyay mashruuc laga fulin lahaa degaano badan oo biyo gelin ah, balse xukuumada Gaas ayaa hor-istaagtay, sababo ku aadan iyadda oo hogaanku dano gaar ah ka lahaa, sida laga soo xigtay Deni.

Mudadii uu jiray maamulka Cabdiweli Gaas oo ay wehliyaan dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqeen dhowr jeer inay xiriirka u jareen dowlada dhexe, balse Deni ayaa tilmaamay in “waqti kasta uu Madaxwaynaha telafoonka kula hadlo madaxda xukuumada Muqdisho”.

“Maadaama uu gabay wixii loo igmaday waa in laysla hor-wareejiyaan maamulka Cabdiweli Gaas…Waana ceeb inuu damac kale galo,” ayuu Musharax Saciid Cabdullaahi Deni kusoo gabagabeeyay hadalkiisa uu ka jeediyay Garoowe markii uu soo gaarey.

Hadalka Deni ayaa imaanaya xili hogaanka Puntland gaar ahaan Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa uu kala qayb-san yahay iyadda oo doorashadda ay naga xigto hal bil, waxaana ay noqoneysaa markii ugu horeysay taariikhda maamulkaan ay sidaan dhacdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM