Puntland: Musharax ka hadlay Colaadda Tukaraq & mudo korarsiga Gaas

Image

GAROOWE, Puntland - Xaaji Maxamed Yaasiin, oo ah musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Puntland doorashada 2019, ayaa si kulul uga hadlay colaadda kasoo cusboonaatey gobolka Sool.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta gudaha ayuu Musharaxa kaga hadlay dagaalka Tukaraq, oo uu ku tilmaamay inuu yahay mashruuc uu Cabdiweli doonayo inuu mudo xileedkiisa ku korarsado, sidoo kalena Somaliland loogu sharciyeynayo gobolka Sool.

Wuxuu sheegay Xaaji Maxamed Yaasin in sababta dagaalka Tukaraq xilligan loogu soo beegay ay tahay in dadka lagu qanciyo in doorashada aysan dhici karin waqtigeeda, oo dib loo dhigo, kadibna sidaasi ay Xukuumadda Cabdiweli mudada ku korarsato si sharco darro ah.

Musharaxa ayaa daboolka ka qaadey in xaaladda hadda ka jirta gobolka Sool ay tahay mid siyaasadaysan, oo dano gaar ah laga leeyahay, islamarkaana aysan dadka shacabka fahim ciyaarta socota, halka ay ka timid iyo ujeedka laga leeyahay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Xaaji Maxamed ayaa xusay in dowlado shisheeye ay gadaal ka riixayaan colaadda Tukaraq, kuwaasi oo ka shaqeynaya sidii xukunka loogu dheereyn lahaa Cabdiweli Gaas, oo uu sheegay inuu lumiyay kalsoonida shacabka Puntland mudadii uu xafiiska joogay.

Mar la waydiiyay in Siyaasiyiinta reer Puntland ay Cabdiweli kala hadleen arinta soo ifbaxaysa ee ku aadan mudo korarsiga dastuurka baal marsan, ayuu ku jawaabey Xaaji Maxamed in habeen iyo maalin lala hadlo Madaxweynaha, loogana digay in doorashada uu dib u dhac ku yimaado.

"Boqol goor buu Cabdiweli wuxuu yiri anigu ma is sharaxayo, diyaarna uma ihi, dee Cabdiweli waxa weeye in lagu barto waa nala joogay, oo madax buu noo ahaa, hadde waxa weeye Cabdiweli hadii uu ka xishoon waayay umaddan dhibaatadeeda, oo sidaasi uu rabo inuu kusii daawado, hadii uu ogyahay inuusan xukunka sii wadi kareynin, Cabdiweli meel baa u cad, wuxuu arkay umad hurudo, oo wixii la rabo laga yeeli karo, dagaal buu kusii jeediyay oo uu ku mashquuliyay, marka meel cidlaha ah buu ka qaadanayaa," ayuu yiri Musharaxa.

Dhanka kale, Siyaasiga ayaa ugu baaqay shacabka inay ka dhiidhiyaan dhibaatada hadda Puntland ay ku jirto iyo mida kusoo food leh, islamarkaana kahor istaagaan Cabdiweli inuu mudo korarsi sameysto, oo aan la qaban doorashada waqtigeeda.

"Umadda waxa waxaye waa inay istaagto, oo Cabdiweli joojiso oo tiraahdo Cabdi-weliyow fariiso intaan ka badan kuma qaadi karno, Cabdiweli imisaa la deynayaa? ma 5 sanoo dambe ayaa la deynayaa? maxaa ka haraya Puntland? Puntland maanta ayay khatar ku jirtaa in Garoowe lasoo galo, Maantay ku jirtaa khatar in xuduudaheeda oo oo dhan dagaal lagu furay," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Shacabka reer Sool ayuu sheegay inay yihiin dad dulman, oo aan maamullada ku dul dagaalamaya kala jecleyn noloshooda iyo geeridooda, isagoo intaasi ku daray in dhibaatada lagu hayo hadda ee colaadda ah ay tahay mid shaqsiyaad dano gaar ah leh ay wataan.

Ugu dambeyntii, Xaaji Maxamed Yaasin ayaa ugu baaqay Isimada, Culimada iyo Waxgaradka inay u istaagaan badbaadinta Puntland, oo ka hadlaan dhibaatooyinka ay abuurayso Xukuumadda Cabdiweli Gaas iyo mudo kordhinta ay damacsan tahay.

Xaaji Maxamed Yaasiin oo ah Ganacsade caan ah oo dagan Kenya, ayaa u tartamay dhowr jeer xilka Madaxweynaha Soomaaliya, oo ugu dambeysay doorashadii 2017, ee lagu doortay Farmaajo.

Hadalka Musharaxa ayaa qeyb ka ah baaqyada iyo walaaca musharaxiinta kale ee u taagan xilka ugu sareeya ee Puntland, waxaana shalay war qoraal ah kasoo saarey damaca mudo korarsiga Gaas madasha Puntland Focus Group. [Halkan ka akhri Warka]. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM