Puntland oo caddeysay mowqifkeeda shirarka shidaalka Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland – Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowlada Puntland ayaa waxay war kasoo saartay shirarka looga hadlayo shidaalka iyo kheyraadka dalka Soomaaliya.

Sidda ku cad war-saxaafadeed ku taariikheysan 14-ka bishaan April, ma jirto cid ay Puntland u wakiilatay ka qaybgalka shirarkaasi.

"Cid alaale cidii daneenaysay arrimahaasi waxay lasoo xiriiri kartaa wasaaradatan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa si toos ah loogu diray wasaarada shidaalka heer federaal iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka ah, Xaan Cali Khayre.

Hadalka kasoo yeeray wasaarada ayaa imaanaya iyada oo Madaxwayne Deni uu horey uga dhawaajiyay in aysan jirin cid Puntland wakiil uga ah arrimaheeda gaarka ah.

Si lamid ah waxaa bayaankaan uu imaanaya xili bishii Febraayo ee sanadkaan magaalada London lagu qabtay shir looga hadlay shidaalka Soomaaliya.

Shirkaasi oo lagu soo bandhigay xirmooyin shidaal ayaa dhaliyay xiisad ka dhex qarxday Muqdisho iyo Nairobi oo ahayd in lagu xaraashay saliid ku jirta dhul badeed ay Soomaaliya leedahay balse ay Kenya muran gelinayso.

Intaasi waxaa wehlisa in xukuumada Khayre ay ic-laamisay in shirar kale oo looga hadlayo shidaalka Soomaaliya ay ku qabaneyso bilooyinka soo aadan magaalada Istanbul ee caasimadda wadanka Turkiga.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM