Puntland oo dib u celineysa ajaaniib "ku xayirmay" xeebaha Boosaaso

Image

GAROWE, Puntland – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Thailand ayaa warbixin kasoo saartay ajaaniib u dhalatay waddankaasi oo ku xayirmay xeebaha ku teedsan magaaladda dekadda leh ee Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa tilmaamay in 50-kaasi kalluumeysato, oo la shaqeynayay laba doon oo lagu kala maagcaabo Marwan 1 iyo Marwan 2, ay dalkaasi dib ugu laaban doonan todobaadkan.

Busadee Santipitaks ayaa Arbacadda maanta ah xusay in mas’uuliyiinta dowladda Puntland iyo dowladda federaalka ay jawaab wanaagsan ka heleen kadib codsi ay u dirtay saafaradooda Nairobi, Kenya.

"Saraakiisha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland waxay aqbaleen dib u laabashada shaqaalahaasi reer Thailand iyo in ay fududeeyaan sidii ay dalkooda loogu soo celin lahaa," ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhinaca kale, illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo dowladda Puntland ay war rasmi ah kasoo saartay dhacdadan.

Sidda laga soo xigtay wargeyska Bangkok Post, tikidhadii ay dib ugu laaban lahaayeen waddankooda hooyo ayaa la dalbay, waxaana socdaalkooda uu u bilaaban doonaa maalmaha soo aadan.

Sheekadda howladeenadan oo todobaadkan qabsatay ciwaanadda warbaahinta maxaliga ah ayaa ka dambeysay markii muuqaal laga duubay lagu faafiyey baraha bulshadda, ayna aad uga fal-celiyeen dadyow kala duwan.

Waalidiintooda oo qaylo dhaan weyn kasoo saarey ayaa waxay waydiisteen dowladooda in ay dib ugu soo celiso wiilashooda oo ay sheegeen in la adoonsanayo, isla markaana aanan la siinin wax mushaar ah.

Sikastaba ha ahaatee, sidda ay ka dhawaajiyeen mas’uuliyiinta, xubnahan oo cuni iyo biyo yari ay soo wajahday ayaa haystay qandaraas laba sano oo la saxiixay bishii October.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM