Maxkamadeyn lagu bilaabay shabakad tobanaan qof ku dishay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee dowladda Puntland ayaa shaaciyey in ay Maxkamadda Milatariga iyo Dambiyadda Culus horgeeyeen shabakad in ka badan 25 ku dishay magaaladda Boosaaso.

Sidda laga soo xigtay qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee taliska PSF-ta, Abshir Toshle oo ah horjoogaha shabakadan iyo kooxdiisa ayaa lagu soo qabtay howlgal dhacay 9-ka bishii May ee sanadkan aynu ku guda jiro 2020.

Aadan Maxamed Xasan [Aadan Dheere] iyo Axmed Xasan Cali [Cismaan] ayaa ku wehliyey howlgalkas uu ku dhintay Cismaan, halka Aadan Dheere uu dhaawacmay lana daaweeyay si looga helo macluumaad lana wareysto.

Xilli dhamaantooda ay ka tirsan maleyshiyadda Daacish, mid walba wuxuu qirsan yahay eedeymaha loo haysto, sidda ku cad bayaanka kasoo baxay taliska oo aan lagu caddeyn hadii shabakadan ay ka kooban tahay saddex eedeysane.

"PSF waxay ku guulaysteen in ay horkeennaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dembiyada Culus ee Puntland madaxii dilalka iyo qaraxyada Kooxda Daesh u qaabilsanaa ee Magaalada Bosaso, kaas oo lagu magacaabo Abshir Toshle kana dambeeyey amarka lagu laayey dad iskugu jira ganacsato, ciidan, nabadoonno iyo dad shacab ah," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa intaas waxaa lagu daray: "Falalkaas waxaa la fulin jiray Aadan oo magaciisa afgarasho ee Daacish yahay “Shaafici” iyo Axmed oo magaciisa afgarasho ee Daacish yahay “Cismaan”.

"Cismaan iyo Shaafici ayaa labaduba taksiilayaal kaga shaqeysan jiray gudaha magaalada Bosaso ka hor inta aysan dilalka geysan iyo ka gadaalba".

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay "Waxaa ciidanka PSF u suurta gashay 09 May 2020, saacaduna ahayd 9:30 subaxnimo in ay fuliyaan hawlgalkii lagu soo qabtay Shaafici iyo Cismaan ayagoo markaa qorsheynaya in ay fuliyaan dilal iyo qaraxyo ay ugu talo galeen in ay geystaan 17 bisha Ramadaan, ayaga oo qabashadooda ka hor la diriray ciidanka geystayna dhimashada hal askari oo ka tirsan ciidanka PSF".

"Waxaana hawlgalkaas ku dhintay Axmed “Cismaan,” waxaana lagu soo qabtay Aadan “Shaafici”oo dhawac ah, kaas oo ay suurto gashay in la badbaadiyo si looga helo macluumadkan ,isaga oo qirtay in ay dileen dad kor u dhaafaya ilaa 25 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed oo reer Puntland ah".

Warka ayaa lagu soo xiray: "PSF waxay uga mahadcelinayaan laamaha kale amniga Puntland iyo shacabka Bosaso sida ay noola shaqeynayeen".

Ciidamadda difaaca dowlada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay laba-jibaareen howlgaladda ay ku baacsanayaan dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee sidda dhuumaaleysiga ah uga howlgalada buuraleyda Goolis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM